War Deg Deg Ah: Maleeshiyaad Raaskambooni Ka Tirsan Oo Hadda Kismaayo Lagu Laayey

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha Magaalada kismaayo gaar ahaan Agagaarka Somali Star lagu dilay 4 askari oo ka tirsan Maleeshiyaadka raaskambooni,waxaana la sheegaya inuu dilkaasi fuliyey nin hubeysan isla markaasna ka tirsan dadka degaanka,waxaana la xaqiijinayaa inuu dhaawacay dhawr askari oo kale.

Ninkan ayaa la sheegay inuu qoryihii ka aruursaday 4 askari uu dilay,waxaana la xaqiijinaya inuu rasaastii uu ridayey ay dhaawacday dhawr ruux oo shacab isla markaasna ka ag dhawaa meesha waxaana la sheegayaa in loo cararay isbitaalka Magaalada ksimaayo halkaasi oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo.

Ninkan ayaa la sheegay in jabhadda Raaskambooni saaka gurigiisa alaab ka dhaceen isla markaasna sababtey inuu isa soo hubeeyo uu oo dilo askartii dhac u geystey guriigisa,waxaana la sheegaya inuu ninkaasi ahaa dadka degaanka isla markaasna aad uga carooday boobka ay jabhadda Raaskambooni gurigiisa kula kaceen.

Xaalada kismaayo ayaa ah mid aan caadi ahayn labadii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo ay ka socdaa boob iyo dhac ay geysanayan ciidamada kiiniya iyo kuwa raaskambooni oo isagarabsanayaa,waxaana la xaqiijinayaa inay ilaa iyo hadda boobkaasi si daran u socda isla markaasna alaabaha badankoodii loo rarayo Magaalooyiinka Dhoobley iyo Afmadow.

Ugu dambeyntii Xaalada kismaayo maahan mid degan iyadoo ciidamo badan dul hoganayaan magaalada kisamayo isla markaasna doonayaan inay dagaalo culus kula galaan ciidamada kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana shacabku wadaan barakac xoogan oo ay kaga cararayaan Magaalada kismaayo oo xaaladeedu sii xumaatey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com