War Deg Deg Ah: Col Cabaas Iyo Ciidankii Dawladda Ee Gobolka Gedo Oo Kismaayo Kulaalaya

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Ksimaayo ayaa saaka kacsan,waxaana la sheegayaa inay Jabhadda Raaskambooni ay isku aruursanayan gudaha magaalada isla markaasna ay ka war heleen in Ciidamadii Col Cabaas Ibraahim Gurey ay saaka ku sugan yihiin duleedka Magaalada isla markaasna ku jiraan 60 km.

Col Cabas oo saaka saxafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamadiisu ku sugan yihiin duleedka Magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey inay raaskambooni banaanka uga saari doonaan,waxaana uu sheegey hadii ciidamada kiiniya ay dhaqaaq sameyaan ay dagaal xoogan la galayaa iyagana ku darayaan kuwa Raaskambooni.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa kacsan iyadoo ciidamadan xalay duleedka Kismaayo soo gaaray shalay arroortii ka soo ruqaansadeen Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,waxaana la sheegayaa in ciidamadani ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo badan isla markaasna yihiin ciidamo aad u habaysan.

Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay hadda wadaan dhaqdhaqaaq ay gudaha magaalada ka wadaan iyadoo ciidamadii dawlada ee dhawaan ka baxay Magaalada kismaayo iyaguna lu sugan yihiin duleedka Magaalada,waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo kale oo khasaare badan sababa ka dhacaan gudaha kismaayo.

Ugu dambeyntii Col Cabaas ayaa wacad ku maray inaysan Jabhadda Raaskambooni ku sii sugnaan doonin gudaha kismaayo,waxaana uu xusay inay ku celin doonaan degaanadii laga soo aruuriyey,Col Cabaas waxaa uu sheegey in xitaa hadii ay ciidamada kiiniya isku dayaan inay sameeyaan dhaqdhaqaaaq inay iyagana banaanka Magaalada u saari doonaan.

Wararka Ka Soo Kordha Arrimahaasi kala soco Allgalgaduud.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com