Soo Jeedin Kassoo Baxday Dhaliyarada Dib U Xorayta Dalka.

0

baaqHadaan nahay dhalin ka midda Soomaalida deegaanka Jubooyinka gaarahaan magaalada Kismaayo waxaa  noo cadaatay in 100% aan ku jirno Gumeysi Madow ,waxaana u markhaatiya markaan aragnay :

1-Markaan aragnay Xasuuqa aan loomeel dayin oo ciidamada kiinya ku sameeyeen daka deegaanka Kismaayo , oo la mida lana ujeedaa kay ka sameynjireen NFD oo ah dhula Soomaaliyeed oo Kiinya Gumeysiga ku hayso

2-Markaan aragnay in ciidamada Kiinya danaynayaan oo kaliya inay gacanta ku dhigaan Dhulka xeebta ku teedsan laga bilaabo Xuduudka kiinya ilaa kismaayo oo aynan dan ka lahayn deegaanada kale ,oo ay mraakiibtoodiina xeebahaas ku teedsanyihiin.Ujeedka arinkaasna yahay Shidaalka ka buuxa xeebahaas inay gurtaan dadka Soomaalidaa qabiil danihiis baan idiin kaga shaqaynaanay iskugu diraan kuna mashquuliyaan .

3-markaan  aragnay inay adeegsanayaan dad madax ku sheega oo nooca jasuusnimada ku caankaa oo nolol mooda Gumeysi la shaqaysi ay rabaan inay sanka ka galiyaan dadka deegaanka ,madax ku sheegaas oo jifadey kassoo jeedaan ku khaldaya inay carada xukumayaan si jifo ahaana .

4-markaan aragnay Dakhliga dakada ay qaybsanayaa madaxda Ciidamada Kiinya iyo Madax ku sheegaas Jawaasiista oo gumeysi ku dhexkorkaa .

5-markaan aragnay madax ku sheega jaasuusiinta oo ka faa`iidaya dhibka ummadda Soomaaliyeed ku habsadey ay dadka la jifadaa ka dhaadhicyaan in Gumeysi lagu jiraa uu reer ahaan  uga fiicanyahay in ay ka mid ahaadaan Soomaali Xor ah tusaalana ay ugu soo qaataan bal isku fiiriya oo isbarbardhiga Kilinka 5aad iyo waqooyi bari Kiinya siday yihiin iyo Soomaaliya say tahay.

5-Markaan aragnay Madax ku sheega Jaasuusiinta sey ugu cararayaan marka farta loogu yeero Nairobi iyo addisababa laguna kari la`yahay inay marna tagaan caasimadda umadda Soomaaliyeed

6-markaan aragnay in ay jifadooda cadaw uga dhigayaan Qabaail Soomaaliyeed oo deegaanka iyo dalkuba ka wada dhexeeyo inay cadow u yihiin isla markaasna ciidamo shisheeya iyo dawlado shisheeye ay uga dhigayaan tol iyo xabiib .

7-Markaan argnay in aan dan iyo heelo laga lahayn in dib loo xoreeyo dagaamada shabaab gacanta ku hayo ,oo shaqo laga dhigto in la xasuuqo dadkii deegaanka .

8-Markaan aragnay in Madax ku sheega Jaasuusiintaahu cadaysteen inay si cad  dawladda Soomaliya oo ah dawlad Soomaaliyoo dhan ka dhaxaysaa ay si kasta ula dagaalamaan ayagoo saas ku raali galinaya qolyahay jawaasiista u yihiin .

9-Markaan arganay in qofkastoo waxgarada oo deegaankaa amaba Soomaaliya (meel kastoo Soomaaliya ka mida ha  ka soo jeeda saa kismaayo dalkiisay ka mid tahaye )

Inaan loo ogalayn inuu kismaayo tago oo laba diido Dayaaradaha Soomaaliya dhexdeeda ka imaanya lana ogolaada lana soo dhaweeyo kuwa Kiinya ka imaanaya .

10-Markaan argnay in hay`adaha caalamigaa si dadban loogu diiday inay ka hawlgalaan deegaanadaas ayagoo looga gol leeyahay in dadka la gaajeysiiyo dabadeed deegaanada laga qaxiyo ,

11-Markaan argnay in dadka loo qaybiyay mid madfac iyo rasaas lagu dilo iyo mid cuduro iyo dhaawac lagu dilo ,waxaana tusaale noogu filan Isbitaalka Kismaayo oo waxkasta laga curyaamiyey ayadoo kismaayo magaalo dakada oo dakhli badani soo galo ay tahay .

12- Markaan aragnay hay`adaha caalamigaa oo loo diidayo deegaanaas si beesha calamku aysan u arkin Gumeysiga iyo xasuuqa ka jira deegaanadaas .

13-Markaan arganay Sida intii yarayd oo ciidanka XDS ahay oo ahad astaanta dawladnimo oo kaliya oo kismaayo ka jirtay sida madfac garaacaya iyo dayaarado kor taagan oo Madaafiicda hagaya loogu xasuuqay.

Hadaan aan wadno niraahno waxyaabaha ka jira Kismaayo ma dhamayn karno oo Ilaa nagu istaagaysa oo gacmahaan wax ku qoraynaa na jaraynaya ciilka nala badey awgeed laakiin intaasu tusaale noogu filan .

Intaas iyo in ka badan markaan aragnay waxaan noo cadaatay in aan Gumeysi Madow ku jirno sidaas daraadeed ma ahan qolyahaan dabadhilifkaa oo naloo adaagsanayo isku mashquulino saa waligeed gumaysi umaduu gumaysto dabadhlif wuu ka samaysan jiree ,ee waxaan soo jeedinaynaa inaan si dagdaga u samaysanna Jabhadda Dibu xorenta iyo iska xoraynta gumeysigaas madow ee Kiinya oo aan hubno muddo aad u kooban inaan iskaga saari karno waana arin umadda Soomaaliyeed oo dhan u taala dabad iyo gudaba ee ma ahan mid u taal dadka deegaanadaas oo kaliya waxaana ku waajiba Qof kastoo Soomaaliya inuu u huro dib u xorayntaas naf maal iyo caqliba ,qofkastana uusan qof kala ku halayn oo arinkaas loo wada istaago anakoo Soomaaliya yanana ku sirmin siraha gemaysiga oo markuu rabo inuu wax gumeyto qabiil dhex dhiga , waxaan rajeynayaa midaanu inay sabab u noqoto Midnimadii Soomaaliya maskaxdana aan ku hayno anagoo baryahaan ku jirna maamihii xoriyadda ragbaa taas dhigay intayada hadda joogtay na sugaysaa ragba waa ku raqdiis .

Deegaan kasta oo Soomaaliyaa iyo jaaliyadaha dabadaa waxaan ussoo jeedinaynaa in meel kasta laga sameeyo jabhad dib xorayn qolokastana dayaariso naf ay hurto dhaqaale ay aruuriso maskaxdooda ay shiisho sidii Gumeysigaas la iska saari lahaa .

Ilaahy idankii waqti dheer naguma qaadanayso .

Dhalin yaro Kismaayo joogta lana baxday Dhalinyarada dib u xoraynta dalka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com