Munaasabad Loogu Dabaaldegayay 1da Lulyo Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Jubba ee K/Sudan

0

DSC06988Muqdisho(AGGM)  Magaalada Jubba ee caasimadda koonfurta Dalka sudan ayaa waxaa lagu qabtay munaasabaddo loogu dabaal degayo koowda Luulyo. Munasabadan oo ahayd Mid si hersare Losoo Agasimay ayaa waxaa lagu qabtay Xunta Safarada Somaliya ee Dalka Konfur Sudan.

Hoolka Safarada Somaliya ayaa Waxaa inta badan Lagu Xardhay Calanka Jamhuriyada Somaliya waxana soo buxiyeey Dhalinyaro kusoo labistay Calanka Jamhuriyada Somaliya. Masuliyinta Musanadan kasoo qayb galay waxaa ka mid ahaa Safiirka Dawlada Somaliya ee Dalkan Konfur Sudan Ambasador Abdirahman Nur Mohamed Dinaari Gudomiyaha Gudiga Ganacsatada Xaji Muse Xubno kale oo u badan Ganacsato.

Intii ay Munasabada Socotay waxaa goobta Ka hadlay Gudomiyaha Gudiga Ganacsatada Xaji Muse iyo Abdirahman Nur Mohamed Dinaari Xoghayaha Kowaad ee Safarada Somaliya Shafici Nur Calas. Gudomiyaha Gudiga Ganacsatada Xaji Muse oo goobta Khudbad dheer ka jediyeey ayaa marka hore waxuu ka hadlay Xiliyadi Xoriyada  iyo Dawladhii Soo maray dalka.

Ganacsade Xaji Muse ayaa Waxuu soo hadal qaday  Burburki Ka dhacay  Dalka iyo Dawlada Fadaralka ee dhowaan lasoo dhisay isagoona Xusay in Waxbadan ay is badaleen. Xoghayaha Safarada Soomaaliya ee dalka Konfur Sudan  Shafici Nur Calas oo isna Goobta Ka hadlay ayaa waxuu uu Marka hore Hambalyo u diray dhamaan Ummadda Soomaliyeed oo ugu hambalyeey Munasabada 1 julay

Shafici  ayaa ka hadlay wax qabadka Safarada Soomaaliya .Mudadii ay Furayd iyo qorshayaal u degsan oo mudoyinka soo socda ay ku shaqayn donaan. Safiirka Dawlada Somaliya ee Dalkan Konfur Sudan Ambasador Abdirahman Nur Mohamed Dinaari oo Goobta Isna Hadal ka jediyeey ayaa waxuu Hambalyo u diray Dhamaan ummadda Soomaliyeed oo xalay Si wayn Ugu Dabal dagayay Munasabada 1 july.

Ugu dambeyntii sacada Markii ay soo gartay 12:00 PM Waxaa la saray Calanka Soomaaliya waxana la qaracay Astanta Qaranka Somaliya. Dhamaan dadkii Goobta Ka hadlay waxay si wanagsan ugu dabal dageen munasabada 1 july oo ahayd Markii ugu Horaysay ee ummadda Soomaaliyeed ay ka xorobeen Gumaystahii Talyaniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com