Madaxweynihii Hore Sh. Shariif Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Loogu Dabaaldegayay 1da Lulyo Oo Lagu Qabtay Kampala

0

sheekh-shariifMuqdisho(AGGM) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Magaalada Kambala xalay uga qeybgalay munaasabad ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ugu dabaal degayeen Munaasabadda Koowda Luulyo.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa lagu xusayay 53 guuradii ka soo wareegtay markii uu dalkeeni ka xoroobay gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, iyadoo munaasabadaasi uu ka qeybgalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la taageero dowlada,  isagoo tilmaamay in dowladu heyso wadadii horumarka, wuxuune ka digay in dalka dib loogu celiyo dhiibaatooyinkii laga soo gudbay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u sheegayay in ay yihiin lafdhabarka bulshada ayna ka qeybqaataan horumarka dalka,  isagoo wax wanaagsan ku tilmaamay in Soomaalidu ay nasiib u yeelatay iney wadaagaan Af,  Dhaqan,  iyo Diinba, wuxuuna dhinaca kale soo hadalqaaday hodantinimada dalkeena.Munaasabada ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com