Dawladda Mareykanka Oo Hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabada 1-da Luulyo

0

Calanka-mareykanka-384x250Muqdisho(AGGM) Anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha dalka Mareykanka kuna hadlaya afka Shacabka Mareykanka ayaan jecelahay in aan Hambalyo tii ugu habooneedaan u diro Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed idinkoo u dabaal dagaya Munaasabaddii 53aad ee ka soo wareegatay markii aad ka xarowdeen Gumeystihii Talyaaniga oo ku beegan Maanta oo tiiriikhdu tahay 1 Jully sidaasi waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Mareykanka John Kerry.

Soomaaliya waxa ay Xaqiijisyay sanadkii la soo dhaafay Horumaray la taaban karo, Mareykanka waa uu ku faanayaa taageerada uu siiyo Shacabka Soomaaliyeed ee xagga xaqiijinta Nabad gelyada ah ayuu yiri Kery.

John Kery ayaa sheegay in weerarkii 19 Jun ka dhacay Magaalada ee lala Bartilmaamsaday Xarunta Qaramada Midoobay uu ahaa isku day quus ah oo lagu carqaladeynayo Nabad Gelyada Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareynka ayaa sheegay in Soomaalida uu markale uu u sheegayo in Dowladdiisa ay garab taagantahay islamarkaana ay kala shaqeyneyso Xaqiijinta Nabad Gelyada dalka.

Ugu dambeyn Mr Kery ayaa U Rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed Sanadkaan Sanadkiisa in ay ku gaaraan Bash Bash iyo Barwaaqo iyo Xasilooni Waarta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com