Daawo: Ciidamada Soomaali Ah Oo Muddo Kooban La Wareegay Magaalada Mandheera

0

AMISOMKismaayo(AGGM) Ciidamada xoreynta Dalka soomaaliya ayaa la sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaadeen xarumaha ciidamada kiiniya ee Magaalada Mandheera halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dawlada kiiniya,waxaana la sheegayaa inuu dagaalkaasi daba socdo dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee u dhexeyey ciidamada jabhadda Raaskambooni oo gacan ka helaya kuwa Kiiniya iyo ciidamo daacad u ah Madaxweyne Bare Aadan Shire.

Dagaalkan ayaa sababay inay shacabka soomaaliyeed ku baaqaan dagaal ka dhan ah dawlada kiiniya ciidamadeeda ku sugan gudaha soomaaliya,waxaana la sheegaya in gobollada Gedo iyo Jubooyinka looga dhawaaqay dagaalo ka dhan ah ciidamada dawlad kiiniya isla markaasna ilaa degaanada NFD looga xoreyn doono.

Warar ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan oo soomaaliyeed isla markaasna ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay galeen gudaha Magaalada Mandheera isla markaasna ku dileen askar ka tirsan ciidamada kiiniya mudo koobana la wareegeen saldhiga Booliska Magaalada Mandheera,waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkaasi ciidamo ka tirsan dawlada kiiniya.

Gobolka Gedo ayay ahayd markii saacadihii la soo dhaafay laga iclaamiyey dagaalo ka dhan ah ciidamada kiiniya isla markaasna looga saarayo gobollada Gedo Iyo Jubooyinka taasi oo cabsi lixaad leh ku abuurtey ciidamadda dalka kiiniya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii weerarkan ayaa la sheegayaa inuu dhacay saacadihii la soo dhaafay kaasi oo la aaminsan yahay in kooxo soomaali ah weerar ku qaadeen gudaha Mandheera halkaasi oo ay saacado kooban la wareegeen isla markaasna banaanka uga saareen ciidamadii dawlada kiiniya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com