BAAQ KU SOCDA DHAMMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED.

0

baaq01/07/2013: Aniga oo ah Taliyaha maleeshida beesha Gaaljecel ee Jubbooyinka magaceygana la yiraahdo MAHAD FARAGOOYE kana degaalamayay maalmaahii la soo dhaafay magaalada Kismaayo xaafadda Via Afmadow waxaan baaqa hoos ku xusan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kaas oo ku wajaban Maleeshiya beeleeddka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya.

Kadib markii ay maleeshiyada Raaskambooni iyo  ciidamada Kenya ee kismaayo ku sugan u geysteen tacaddiyo aan la soo koobi karin shacabka beesha Gaaljecel ee degan magaalada Kismaayo kaasi oo isugu jira in lagu garaaco hubka culus sida madaafiicda goobta iyo gawaarida gaashaaman (Taangiyo iyo Beebeeyaal).

Kadib  markii labadaasi ciidan u geysteen shacabka beesha aan ka dhashay dil, kufsi, bililiqo baahsan iyo dhibaatooyin kale waxaan go’aansaday  in aan soo saaro baaqan:

01-   In aan la dagaallano ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooyi

02-  In aan ka aar goosanno  kooxdaaa tacaddigii ay u geysteen maatida beesha aan ka soo jeedo.

03-  In aan ka xoreyno deegaankeenna wakhti kasta oo ay nagu qaadato

04-  Waxaan UN-ka iyo AU-da iyo urur goboleedka IGAD ka codsaneynaa in ay dalkeena ka qaadaan ciidamada Kenya oo u yimid in ay gumeystaan dalkeena iyo dadkeena isla markaaana qaataan gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle sare Mahad Faragooye
Taliyaha ciidamada beesha Gaaljecel ee Jubbooyinka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com