Yaa La Wareegay Gacan Ku Heeyta Magaalada Kismaayo?

0

MaqaalDadka ma ay jecla runta waana ay dhibtaa hadii ayba maqlaan run, balse runtaanu u sheegaynaa kii nacaya iyo kii jeclaanayaba.

Waxaa xaqiiqo ah in maalmihi ugu dambeeyay dagaalo ay ka socdeen magaalada Kismaayo kuwaa oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya maleeshiyaad daacad u ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya oo xabada isaga dhigayay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, kadib marki wax natiijo ah ama guul ah ay keeni waayeen qasaaraha soo gaarayna uu aad u fara batay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxa ay ciidamada Kenya danta ku qasabtay inay toos uga qeeyb qaataan dagaalka ka socday magaalada Kismaayo iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo maraakiib laga soo tuurayay madaafiic.

Yaa La Wareegay Gacan Ku Heeyta Magaalada Kismaayo.

Waxaa xaqiiqo ah Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inaysan lahayn wax awood ah oo ay kula wareegaan magaalada Kismaayo amaba ay isaga caabiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka taabacsan dowladda.

Todobaayo ka hor ayay ahayd marki dagaal culus uu ku dhexmaray gudaha magaalada Kismaayo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo maleeshiyada Iftin Xasan Baasto, haddii maleeshiyo beeleedka Raaskambooni awood leeyihiin soo Iftin Xasan Baasto ayay magalaada ka saari lahaayeen, balse waxaad dagaalkaas ka garan kartaa inta awoodoodu tahay amaba inaysan lahayn awood ay kula dagaalamaan beel kamid ah beelaha amaba ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Waxaa marag ma doonto ah in gacan ku heeynta magaalada Kismaayo ay la wareegeen ciidamada Kenya iyagoona aan ka heeybaysanayn dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubbooyinka.

Wejigi 1-aad ee dagaalka Kismaayo oo Soo Gabagaboobay.

Waxaa soo gabagboobay wejigii koowaad ee dagaalka magaalada Kismaayo ee u dhexeeya Soomaali iyo Kenya, waxaana biloowday wejigii labaad oo noqon doona dagaal naf iyo maal fara badan lagu waayo.
Wejigi 2-aad ee dagaalka Kismaayo Oo Biloowday.

Wejiga labaad ee dagaalka Kismaayo ayaa waxa uu noqonayaa haddii aad dib u raacdo taariikhda kadib soo galitaanki ciidamada Itoobiya ee magaalada Muqdisho iyo dagaaladi ka dhacay ee qasbay in ciidamada Itoobiya ay maalin cad isaga baxaan magaalada Muqdisho, magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u muuqataa mid heeysa dhabihii magaalada Muqdisho, sida muuqatana waxaa maalin cad qasab ay ku noqon doontaa in ciidamada Kenya ay isaga haluulaan dalka Soomaaliya weliba iyaga oo ka dhimasho iyo dhaawac badan kuwa ciidamada Itoobiya.

Haddaba su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay waa la hubaa in ciidamada Kenya ay baxayaan iyada oo ceeb iyo caroba raacday’e waxaa isweeydiin mudan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni marki ay baxaan ciidamada Kenya xagee aadayaan? Jawaabtaas adinkaan idiin daayay.

C/llaahi Cismaan Guuleed
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com