War Deg Deg Ah: Xasan Daahir Oo La Soo Daayey & Xukumadda Oo Shir Jaraa'id Qabanaysa

0

xasan_dahir_aweysMuqdisho(AGGM) Muddo saacado ah oo ay ciidamada Sirdoonka dawlada federaalka ee soomaaliya su,aalo ku waydinayeen Xarunta Dambi baarista ayaa suuro gashay inay caawa dawladu fasaxdo Shiikh Xasan Daahir Aways oo ahaa masuul ka tirsan Xarakada Alshabaab,waxaana la sheegaya in dawladu saacadaha ay gacanta ku haysay su,aalo waydiineysay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in saraakil cadaan ah iyagun waqti dheer la qaateen Shiikh Xasan Daahir Aways kuwaasi oo ka waramaysanay xaalada Faalagada Alshabaab,waxaana la sheegay in mudada uu xayirnaa Shiikh Xasan Daahir su,aalo la waydiinayey balse aysan dawladu xabsi gayn.

Masuuliyiinta dawlada federaalka ah ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho ku qabtaan Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arrimaha Shiikh Xasan Daahir Aways,waxaana la sheegayaa in Xasan Daahir hadda lagu wado in lagu wareejiyo waxgaradka beesha uu ka soo jeedo isla markaasna waxaa la sheegaya inuu xor yahay.

Dhinaca kale wararka qaarkooda yaa sheegaya in dawladu u sheegtey  Xasan Daahir hadii uu u baahdo ilaalo inay siinayaan isla markaasna ka biixinayaan kharashaadka degaanka uu rabo inuu dego,lama oga inuu Shiikh Xasan Daahir arrintaasi aqbalay iyo inkale,waxaana la sheegayaa inuu diiday.

Ugu dambeyntii arrinta ayaa imaanaysan xilli ay qaar ka tirsan Qaraabada Xasan Daahir sheegeen in la xiray Xasan Dahir balse u muuqata inaan xabsi la geyn balse maclumaad  la waydiinayey,waxaana la aaminsan yahay in laga wareysanayey xaalada Alshabaab iyo saameynta xilligan ay ku leeyihiin gobolada dalka soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com