War Deg Deg Ah: Nabadoonkii Beesha Cumar Maxamuud Ee Waamo Oo Hadda Jabhadda Raaskambooni Dishay

0

breaking-news1Kismaayo(AGGM) Alla ha u naxariistee Nabadoon Xuseen Nuur Xaaji LAMUUMBE oo ahaa Nabadoonka Beesha Cumar Maxamuud ee Waamo ayaa goor dhaweyd geeriyooday ka dib markii jabhadda Raaskambooni ay rasaas ku soo fureen isla markaasna ay haleeshay rasaastii ay ku soo rideen.

Maleeshiyaadka Raaskambooni  ayaa ah kuwo caado ka dhigtey inay dadka shacabka ah dilaan isla markaasna dhacaan,waxana la sheegay in nimanka dilay nabadoonkaasi ay doonayeen inay ka dhacaan lacag uu watey,waxaana la sheegay inuu nabadoon ku wargeliyey inay ka leexdaan isla markaasna uu ka mid yahay waxgaradka gobollada Jubooyinka balse waxay taasi ugu bedeleen xabad.

Alla ha u naxariisteen nabadoonka ayaa la sheegay in xabadii ay ku soo rideen ay ka haleeshay laabta isla markaasna isagoo dhaawac ah meesha laga qaaday,waxaana la sheegayaa intii lagu sii waday Isbitaalka Magaalada Kismaayo uu geeriyooday,waxaana geeridaasi taabaatey shacabka gobollada Jubooyinka.

Jabhadda Raaskambooni oo aan degaan ahaan  ka soo jeedin gobollada Jubooyinka isla markaasna gacan ka haleya ciidamada kiiniya ayaa wada qorshe aad moodo inay ku dhaqaalo aruursanayaan magaalada kismaayo iyagoo Maanta dhac iyo boob u geystey dukaamo badan oo shacabka soomaaliyeed ku lahayeen gudaha Magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii Waxaa magaalada kismaayom ka socda hadda Abaabulka Aaska Marxumkaasi oo ay qaban qaabinayaan waxgaradka gobollada Jubooyinka iyadoo la sheegayo in nimankii dilay Marxuumkaasi way wali gudaha magaalada kismaayo ka wadaan barasho ay ku sameysanayaan shacabka Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com