War Deg Deg Ah: Dawlada Soomaaliya Oo Amartay In La Bedelo Ciidamada Kiiniya

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Dawladda Federaalka ee soomaaliya ayaa si deg deg ah digniin kulul ugu jeedisay Taliska Ciidamada Amisom & Midawga Afrika,waxaana loogu baaqay inay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan weerarada ciidamada kiiniya ku hayaan shacabka soomaaliyeed isla markaasna cadeeyaan sababaha ay ula kala safanayaan dhinacyadda soomaalida ah ee dagaalamaya.

Dawlada Federaalka ah ayaa caadeyn soo hordhigeysa taliska ciidamada Amisom iyo Midawga afrika isla markaasna shaacinaya dhibaatada ciidamada dawlada kiiniya ka geysteen magaalada kismaayo,waxaana dawladu ku tilmaamtey in ciidamada kiiniya si arxan darro ah ula dhaqmeen shacabka reer Kismaayo.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ciidamada Kiiniya ay si toos ah ula safteen kooxda Awooda Daran ee Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo ciidamada Col Bare Hiiraale kaga awood roonaadeen dagaaladii 3 da maalmood ka socday gudaha kismaayo taasi oo keentey in markii dambe in ciidamadda Kiiniya si toos ah dagaalka u galaan.

Sidoo kale hadalkan ayaa imaanaya xilli galabta ciidamada kiinyia duqeyn xoogan ka geysteen duleedka Magaalada kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Col Bare Hiiraale isla markaasna ay ciidamadaasi iska difaaceen,waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay mid sharciga Nabad ilaalinta ka baxsan.

Ugu dambeyntii Dawladda Federaalka ee soomaaliya ayaa maanta go,aan rasmi ah ka qaadatey ciidamada dawlada kiiniya isla markaasna shaaciysay in si deg deg ah ciidamadaasi looga bedelo magaalada kismaayo isla markaasna la geeyo degaano kale,waxaana dawladu ku tilmaamtey inay ciidamada kiiniya ku tunteen sharaftii iyo karaamadii shacabka soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com