Diyaaradaha Kiiniya Oo Duqeyey Saldhiga Col Bare Hiiraale Iyo Jawaab Ay Ciidamadiisu Ka Bixiyeen

0

Diyaaro-620x330Kismaayo(AGGM) Ciidamadda Diyaaradaha Kiiniya ayaa la sheegayaa inay galabta duqeyn ka geysteen xarumaha ciidamada Col Bare Hiiraale ee duleedka Magaalada Kismayo,waxaana la sheegaya inaysan duqeymahaasi wax khasaare ahi ka soo gaarin balse diyaaradaha dawlada kiiniya ay duqeeyeen.

Ciidamada Col Bare Hiiraale ayaa la sheegayaa inay duqeymahaasi kaga jawaabeen Lidka diyaaradaha isla markaasna diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee kiiniya dib ugu carareen degaanadii ay ka soo duleen,waxaana la sheegayaa inay diyaaradahaasi isku dayeen inay mar kale duqeeyaan balse dab xir lagu sameeyey.

Dhinaca kale Waxaa gobolka Gedo iyo degaanada Magaalada kismaayo ka dhaw dhaw ka soo qulqulaya ciidamo badan oo taageersan ciidamada degaanka ee uu hogaaminayo Col Bare Hiiraale,waxaana suuro gal ah inay ciidamadaasi mar kale weerar ku soo qadaan gudaha magaalada kismaayo.

Ciidamada Col Bare hiiraale ayaa ah ciidamo aan loo babac dhigi karin kuwaasi oo isla waabiyey ciidamadii Kiiniya ee garabka siinayey kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana taasi sababtey in ciidamada kiiniya awood u waayaan inay ka daba tagaan ciidamada Col Bare Hiraale isla markaasna diyaarado ku weeraray.

Ugu dambeyntii sidoo kale waxaa gobolka Gedo Iyo Jubooyinka laga iclaamiyey dagaalo ka dhan Ciidamada dalka kiiniya oo la ogaaday mawqifkooda ku aadan gobolada Jubooyinka isla markaasna ay ku doonayaan inay gobollada Jubooyinka Geliyaan gumeysi sida Gaarisa iyo degaanada la midka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com