Ciidamada Kenya Oo Si Toos Ah Ulla Wareegay Gacan Ku Heynta Magaalada Kismaayo Ka Dib Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ay Isaga Baxeen Magaalada.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan magaalada gacan ku heeyteeda ay la wareegeen ciidamada Kenya ka dib dagaalo faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay gudaha magaladaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalkan galay maalinti sadexaad uu u dhexeeyay ciidamada Kenya oo kaa shanaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Ciidamada dowladda oo kaa shanaya maleeshiyo beeleedka deegaanka.

Dagaalkan ayaa waxaa si toos ah uga qeeyb qaadanayay diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee dowladda Kenya ee ku sugan xeebaha magaalada Kismaayo, waxaana maraakiibta dagaal ee dowladda Kenya ay duqeeyn ba’an u geesanayeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka deegaanka ayaa waxa ay dib uga baxeen gabi ahaan magaalada Kismaayo, waxa ayna hadda ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeenayaa inay sabab u ahayd kasoo bixitaanka ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Kismaayo, ka dib marki ay ka gaabisay doorkeedi dowladnimo.

Isku soo wada duuboo waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada dowladda inay dib duulaan balaaran ugu soo qaadaan magaalada Kismaayo si ay uga kiciyaan ciidamada Kenya iyo kuwa camiilka u ah ee Raaskambooni..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com