War Deg Deg Ah: Meydka Laba Askari Oo Ciidamada Kiiniya Ka Tirsan Oo Gacanta Lagu Dhigey

0

AMISOMKismaayo(AGGM) Dagaalkii ayaa galay waji cusub iyadoo ay dagaalkan si toos ah ugu jiraan ciidamada lugta dawlada kiiniya oo garabsiinaya kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in dagaalkan hadda socda uu khasaare ka soo gaarey ciidamada dawlada kiiniya ee qaabka nabad ilaalinta ah ku jooga kismaayo.

Dhimashada laba askari oo ka tirsan ciidamada kiiniya ayaa hadda la shaaciyey in ciidamada degaanku gacanta ku dhigeen isla markaasna doonayaan inay saxafada u soo bandhigaan,waxaana la sheegayaa in ciidamada degaanku dagaalkan ay hada kula jiraan ciidamada kiniya iyo jabhadda Raaskambooni u bedeleen qaabkii dagaalka,waxaana la sheegayaa in hadda wadooyinka magaalada si toos ah loogu dagaalamayo.

Ciidamada degaanka ayaa sheegey in saacadaha soo socda saxafada u soo bandhigi doonaan maydadka ciidamada kiiniya isla markaasna ay shaacin doonan in dawlada kiiniya ay doonayso inay dalka soomaaliya u kala jabiso qaab qabiil iyadoo la shaacinayo in ciidamada kiiniya arrintaasi dhibaato xoogan ka soo food saari doonto.

Xaalada ayaa ah mid cakiran,waxaana ay hadda u muuqadda in xabadi sii qaboobayso isla markaasna ciidamada kiiniya iyo kuwa raaskambooni ay ku sugan yihiin xaafado tiro yar oo ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo iyadoo la arkayo shacabka oo dagaal waji cusub leh u diyaar garoobaya isla markaasna doonayaan inay mawqifkooda soomaalinimo muujiyaan si ciidamada kiiniya iyo kuwa jabhadda Raaskambooni looga quusiyo gudaha kismaayo.

Ugu dambeyntii inkastoo dagaalkan hadda yahay mid qaboobay hadana waxa khasaare lixaad leh ka soo gaaray shacabka magaalada kismaayo iyadoo ciidamada kiiniya si arxan darro ah magaalada ugu garaaceen madaafiicda cusub oo aan soomaaliya hore looga isticmaalin balse wax horumar ah u sameyn waayey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com