War Deg Deg Ah: Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda Kismaayo

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Ciidamada Col Bare Aadan Shire Hiiraale & ciidamada ka tirsan Jabhadda Raaskambooni oo xalay doonyo lagu soo daabulay isla markaasna lagu soo daadiyey xaafadaha u dhaw dhaw xeebaha dekedda kismaayo ayaa dagaal aad u xuni ku dhexmarayaa xeebaha macmalka ah ee kismaayo.

Ciidamadan jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay ciidamada kiiniya ku soo daabuleen doonyo kuwa ciidamada ah,waxaana la sheegay in Maamulka Col Bare hiiraale arrintaasi ka war hayey isla markaasna ay u diyaar garoobeen,waxaana la sheegaya inay saaladii subax dagaal culus ku qaadeen meelaha maleeshiyaadka Kaamboni lagu aruurinayey.

Dagaalka ayaa la sheegaya inuu yahay mid laysu adeegsanayo hub culus isla markaasna ciidamadii weerarka ka soo qaaday ay dib ugu gurteen dhinaca badda iyadoo lagu tallo jiro in qaarkood nolosha lagu qabto maadam aysan jirin meel ay u baxsadaan dhinaca baddu ka soo celineyso.

Dhinaca kale waxaa jira ciidamo kale oo wali ku Harsan Sarta K2 kuwaasi oo xalay loogu baaqay inay isa soo dhibaan balse ka biyo diday,waxaana la sheegayaa in saaka qaarkood lagu dumiyey gurigii ay ku jireen isla markaasna qaarna dhinteen  qaarna dhaawac yihiin,waxaa kale oo jira kuwo kale oo iyaguna guriga qayb ka mid ah ku jira balse wali lagu garaacayo madaafiic.

Si kastey ahaataba xaalada kismaayo ayaa ah mid kacsan walow magaalada 90% ay gacanta ku hayaan ciidamada daacada u ah Col Bare Aadan Shire Hiraale iyo xubno kale,waxaana la sheegayaa inay gabi ahaan shacabka magaaladu garab taagan yihiin ciidamada Col Bare hiiraale oo ay ku tilmaameen wadaniyiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com