Xasan Daahir Oo Qodobo Hor Dhigay Weftigi Dawladda Federaalka Ee Ugu Yimid Cadaado

0

Xasan-DaahirMuqdisho(AGGM) Iyadoo Saacado ka hor Magaalada Cadaado uu ku soo dhamaaday Kulamo Maalmihii ugu danbeeyey uga socday Xasan Daahir iyo Aweys iyo Masuuliyiin kale ayaa waxa jira Qodobo uu Xasan Daahir hordhigay Wafdiga Dowlada Kasocda.

Qodobada uu Xasan Daahir Hor dhigay Wafdiga ayaa waxa ka mid ah:-

  1. In la balan qaado Amnigiisa
  2. In wasiir loo Magacaabo
  3. In uu Dhisto Ururkii Xisbul islaam si uu siyaasa ugu soo Galo
  4. In Dooxa la geeyo

Qodobadaas iyo kuwa kale oo aan dib idin kala soo socodsiin doono ayuu Xasan Daahir Aweys Aweys Hordhigay Wafdiga Dowlada ee uu la kulmay.

Dhankooda Masuuliyiinta Dowlada ayaa dhankooda balan qaaday Qaar ka mid ah Qodobadaasi oo uu ka mid yahay inay amaankiisa Damaanad Qaadaan laakiin waxay ku adkeeyeen inay Horgeynayaan Dowlada hadii uu xilka uu sheegtay heli waayana ay geydoonaan Meeshii uu dalbado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com