War Deg Deg Ah: Koox Ku Jirta Sarta K2 Oo Hadda Dagaal Ku Socdo Looguna Baaqay Inay Isa Soo Dhiibaan

0

Breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) Markii ciidamada Col  Bare Aadan Shire ay soo afjareen kooxdii ka dagaalamaysay Xaruntii madaxtooyada u ahayd Jabhadda Raaskambooni fariisinka u ahayd,waxaa ciidamadda Col Bare dib ugu soo laabteen koox kale oo ku jirtey Sarta K2 waxaana kooxdaasi loogu baaqay inay si deg deg ah isu soo dhiibaan.

Sarta K2 waxaa hadda ku socda Madaafiic ciidamada Col bare hiiraale ku garaacayo halkaasi isla markaasna,waxaana la sheegaya in uu Col bare Hiiraale Laftiisu ku sugan yahay halkaasi baaqna u jeedinayo kooxdaasi isagoo ugu baaqay inay is soo dhiibaan isla markaasna ay ka mid noqdaan dadka caadiga ugu nool magaalada Kismaayo.

Lama oga in kooxdaasi isa soo dhiibi doonto iyo in xoog lagu soo qaban doono,waxaana la filayaa sida wararku sheegayaan inay isa soo dhiibi doonaan si ay uga badbadaan geeri,. Dhinaca kale Col Fartaag ayaa la sheegay inaan la hayn meel uu jaan iyo cirib dhigey isla markaasna la aamisan yahay inuu dhinaca beeshisa la soo saftey.

Dhinaca kale waxaa dhulka la dhigay Idaacadii Jabhadda Raaskambooni,waxaana qalabkeedi lagu soo daayey banaanka meeshii ay ka furney idaacadaasi,waxaana la sheegayaa inay dhawr askari oo ilaalineysay idaacadaasi lagu dilay gudaha idaacadda inkastoo aan la aqoon inay ku dhinteen dagaalada iyo inay rasaas wiifto ahi u tagtey.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com