War Deg Deg Ah: Ciidamada Bare Hiiraale Oo Fariisinkii Ugu Weynaa Ee Raaskambooni

0

G-balcad-15Kismaayo(AGGM) Dagaalada ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay marxalad adag,waxaana labada dhinac isu adeegsanayaan hub aad u culculus iyadoo ciidamadii Col Bare Hiiraale iyo  Kuwii Istiin Xasan Baasto dagaalkaasi toos u galeen isla markaasna waxaa dagaalada ugu xoogann ka socdaan xaafada Siinaay oo ay ku jiraan kooxo taageersan Jabhadda Raaskambooni.

Dhinac kale waxaa dagaal culus ka socdaa Duleedka magaalada kismaayo gaar ahaan meesha lagu magacaabo HAAMAHA Kismayo halkaasi oo ay farisiin ku lahayeen ciidamada Jabhadda Raaskambooni,waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ciidamadda Col bare Hiraale la wareegeen fariismahaasi.

Duleedka Kismaayo gaar ahaan HAAMAHA ayaa la sheegayaa inay farisiin ku lahayeen ciidamada Raaskambooni dhawaan markii magaalada laga saarey,wxaaana la sheegayaa in ciidamada Col Bare Hiirale weerar culus ku qaadeen,waxaana la sheegaya inuu maanta dagaalka si rasmi ah hogaaminayo Madaxweyne Bare Hiraale dagaalkaasi oo uu ku tilmaamay midkii uu ku soo afjari lahaa.

Dhinaca kale waxaa dagaallo kale oo culus ka socdaa dhinaca dambe ee xaafada Calanley halkaasi oo lagu sheegayo inay ku jiraan kooxo tageersan Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in dagaaladani yihiin kuwo culus oo ay ka qayb qaadanayaan maleeshiyooyin badan kuwaasi oo la kala safan dhinac kala duwan.

Ciidamada Col Bare oo kaashanaya kuwa shacabka magaalada ayaa la sheegayaa inay la wareegeen fariisimo hor leh oo Jabhadda Raaskambooni ku lahayeen duleedka Magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala garay kooxaha dagaalamaya.

Wararka Ka Soo Kordha Kal Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com