War Deg Deg Ah:Jeneraal Saxaradiid Oo Koomo Ku Jira & Col Cabaas Oo Ciidamada Kiiniya Xiireen

0

ABASKismaayo(AGGM) Xaalada Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa laga dayrinayaa ka dib markii gacan qaad dhexmarey isaga iyo Col Cabaas Gurey la sheegey inuu ka soo dhaawac dhinaca madaxa ah,waxaana la sheegayaa inuu ka kacay dhiig kar iyo Macaan uu qabay,waxaana la sheegayaa in gacan qaadkaasi yimid ka dib shir maanta ciidamada Kiiniya, kuwa Dawladda federaalka & kuwa Jabhadda Raaskambooni ku yeesheen garoonka diyaaradaha.

Col Cabaas ayaa la sheegey inuu Bistoolad uu waday ( Feedh) gacan qaad ahaan Madaxa laba jeer uga dhuftey Jeneraal Saxaradiid,waxaana la sheegayaa inuu markiiba koomo galay isla markaasna xaaladiisa caafimaad tahay mid aad u liida oo laga dareyniyo,waxaana la dhigey isbitaal ciidamada kiiniya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Col Cabaas ayaa dhawaan loo soo magacaabay inuu yahay Taliyaha ciidamada  Jubooyinka,waxaana la sheegayaa in halkaas uu muran ka dhashay isla markaasna sababay in Jeneraal Saxaradiid iyo Col Cabaas isu gacan qadaan,waxaana la sheegayaa in Col Cabaas ciidamada Kiiniya saldhigooda u kaxeeyeen.

Col Cabaas oo dhawaan dawlada federaalka ah ee soomaaliya u soo magacawday Taliyaha Ciidamada jubooyinka,waxaana la sheegaya inuu xilkaasi hore u hayn jirey saxaradiid intii aan la soo magacaabin Saalax Makome, inkastoo Saalax Makoome dhawaan xilkaasi iska casilay taasi oo keentey in Col Cabaas Gurey loo magacaabo xilkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in ciidamada kiiniya Col Cabaas Diyaarad saareen walow aan la hubin balse waxaa loo malaynayaa inay ku hayaan farisiinkooda ku yaala garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo iyadoo xilligan dagaalo culus ka socdaa gudaha magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com