Dhageyso:- Col, Cabaas oo isaga oo dhoobleey ku xiran la hadlay Kismaayo24.com. Wareysi xasaasi ah.

0

ABASMuqdisho(AGGM) Col, Cabaas oo ka mid ah saraakiisha dowlada Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa maanta waxaa laga ka xeystay Kismaayo, kadib markii ay ciidanka Kenya si kedis ah u maxbuuseen kadibna ay ula tageen. Col, Cabaas oo la hadlayey Warbaahinta Kismaayo24.com inuu yahay maxbuus ku xiran magaalada Dhoobleey xero ciidan. Waxaana uu sheegay inay arrintaasi uu ka danbeeyey sarkaal kale oo uu sheegay inuu madax ka yahay ciidanka Kenya ee AMISOM.

” Waxaa si sharafdaro ah la iiga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Waxaana shir qoolkaasi ka danbeeya ninka ah taliyaha qeybta labaad ee ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan. Waxaana uu si xoog iyo qoryo ah oo aanan fileyn ayuu igu soo saaray diyaarad halkaasi joogtay” ayuu yiri Col, Cabaas oo dhawaan loo soo magacaabay taliyaha ciidanka Jubooyinka ee Dowlada Soomaaliya.

Col, Cabaas ayaa waxaa uu sheegay inuu sarkaalkan isku  fahmi waayey qaabka musuqmaasuq ah oo uu lacagta dekeda kismaayo iyo Garoonka u qaato, isagoona sheegay markii uu  ku yiri  madaxda kaa sareysa ama dowlada Kenya aanu uwada tagno  uu la tiigsaday maxbuusnimo.

“Sarkaalkan isoo xiray waxaa uu qaataa 45% dhaqaalaha dekada iyo garoonka Kismaayo, Waxaana uu sidoo kale dhoofiyaa dhuxusha taasi oo keentay in aan isku fahmi weynay. Waxaana u sheegay in dhaqaalaha uu qaadanayo inay u baahan yihiin ciidanka Soomaaliyeed ” ayuu yiri Col, Cabaas.

Mar uu ka hadlayey in wax jiir dil ah loo geystay  Cabaas ayuu sheegay in aan waxba loo yareysan balse aysan wali xabad ku dhicin. Waxaana uu sheegay in foolxumada loo geystay ay jawaab cad ka bixin doonaan taageerayaashiisa iyo ciidanka kismaayo ka jooga.

” Sida la iila dhaqmay waxaan ka jawaabi doona dhamaan qabiilada degan Jubooyinka iyo Gedo. Waxaana sidoo kale ka dhiidhin doonaa ciidanka dowlada oo dalkooda difaaci doona”  ayuu yiri Col, Cabaas.

Dhinaca kale waxaa uu Col, Cabaas uu wareysiga uu siiyey Kismaayo24.com isaga oo maxbuus ah ku sheegay inuu dowlada iyo shacabka ugu baaqayo dagaal dib loogu soo celinayo magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay gumeysi gacanta ugu jirto iyo koox la rabo in dadka deegaankaasi loo gumeeyo. Waa sida uu hadalka u dhigay Col, Cabaas.

Xariga Col, Cabaas ayaa waxaa ka dhashay dagaal ilaa hadda ka socda magaalada Kismaayo waxaana sida muuqata magaalada Kismaayo wajahday marxalad adeg oo waji qabiil leh.

Ciidanka Kenya ayaa dhankooda waxay la soo baxeyn wajiga rasmiga ah oo u qarsanaa kaasi oo ah inay dhinac la safan yihiin,kadib markii saraakiishii qaranka mid ka mid ah maanta sharci daro ugu xireen xero ciidan oo ay ku leeyihiin Dhoobleey.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin sarkaalka laga xirtay oo u xiran ciidanka dowlada Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Gen, Fartaag ayaa mar wax laga weydiiyey dagaalkan waxa uu sheegay inuusan hadda ka hadli  karin islamarkaana uusan waxba kala socon xariga Col, Cabaas. Isagoona Fartaag shalay shir waqti badan qaatay la yeeshay saraakiisha Kenya iyo Col, Cabaas kaasi oo is afgarad la’aan kusoo dhamaaday.

Source: Kismaayo24.com Hoos Ka Dhageyso

http://http://kismaayo24.net/?page_id=66207