Col. Cabdi Cigaal Oo Ka Warbixiyay Dagaalada Ka Holcaya Magaalada Kismaayo.*Dhagayso*

0

cabdi cigaalKismaayo (AGGM): Kismaayo oo xaalad aad u adag lugaha la gashay manta waxaa ka dhacay dagaalo dadbadani ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen waxaa dagaalku uu u dhexeeyaa ciidamada Dowlada iyo kuwa Raasganbooni oo ay Kenya caawinayso waxaa arintaasi xaqiijiyay Cornel: Cabdi Cigaal oo ka mid ah saraakiisha ku sugan magaalada Kismaayo oo goordhow waraysi siiyay Rajonews.com

Waxa uu Cigaal sheegay in ciidamada Kenya ay xadgudub ku hayaan jiritaanka Soomaaliya iyaga oo si sharaf daraa ula dhamay saraakiishii ugu sareeysay ciidanka dowlada oo uu ka soo qaatay cabaas gurey taliyaha ciidanka waxa uu yiri.

“Cabaas waxaa loogu hanjabay in la dili doono waxana looga digay in uusan amaanka Kismaayo sugi karin isaga oo cabaas ku dacwoonayay aniga ciidanka xukuma amaankana gacanta ku dhigaya mana aqoonsani maamulada meesha looga dhawaaqay ee howsheena noo daaya taas badalkeedana waxaa ay noqtay xabsi iyo in la masaafuriyo” Sidaa waxaa yiri Cornel; Cabdi cigaal oo Kismaayo ku sugan

In dagaalku uu istaago waxa uu ka muujiyay rajo aad u yar isaga oo xusay in ciidamada raasganbooni aysan awood meesha ku lahayn balse ay ku tiirsanyihiin awooda kenyaatiga oo siiya saanad aiyo hubka ay rabana marka laga jabiyana ay isugu tagaan goobaha ay ciidanka kenya daganyihiin.

Halkan Guji Kana Dhagayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com