Allaha U Naxariistee Maryan Cali Muudeey Oo Geeriyootey

0

maryan-cali-muudeey-150x150Allaha u naxariistee waxaa dalka Ingiriiska ku geeriyootay Fanaanada Soomaaliyeed ee caanka aheyd Maryan Cali Muudeey oo ka tirsaneyd kooxdii Fanka ee Iftin.

Maryan Cali Muudeey ayaa habeen hore ku geeriyootay Cisbital ku yaala magaalada London kadib xanuun in muddo ah hayay.

Mulaxanka C/kariin Faarax Qaareey Jiir ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Maryan Cali Muudeey ay markii hore ka mid aheyd Ubaxi Kacanka,  kadibna ay noqotay Macalin Barbaariso ah,  waxeyna ka tirsaneyd fanaaniinta wasaarada waxbarashada ee Iftin.

Allaha u naxariistee Maryan Cali Muudeey ayaa aheyd fanaanad wadani ah oo lagu xasuusto heeso farabadan oo la xiriira dhinaca waxbarashada gaar ahaan heesta caanka ah ee loo yaqaano ”Alifla kordhabeey”.

Inna Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com