Madaxweyne Xasan “Soomaaliya aad bey ugu faraxsantahay is garab-istaaga QM” (Sawiro)

0

IMG_2535Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uulka Qarmada Midoobey ugu sareeya dhanka Siyaasadda Jeffrey Feltman oo ah Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee dhanka Siyaasadda. Kulankan waxaa goob jog ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM iyo mas’uuliyiin kale.

 

Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Jeffrey Feltman ka dib shirka ayuu Madaxweynahu yiri “Dowladdu aad bey u soo dhoweyneysaa booqashadan Mr Feltman oo macno weyn ku fadhisa, tusineysana is-garab istaaga QM ay garab taagan yihiin ka dib ficilkii 19ka Juun ka dhacay xafiiska QM ee Muqdisho. Ujeedada Al-Shabaab ayaa ahaa inay argagax geliyaan shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha QM oo u yimid Soomaaliya inay shacabka saacidaan. Hase ahaatee, booqashadan maanta ee mas’uulka ugu sareeya siyaasadda QM ee Jeffrey Feltman waa calaamad xoogan oo tusaysa taageerada shacabka iyo inay tusto in kooxaha Al-Shabaab aysan marnaba gaari karin ujeedooyinkooda ah inay argagaxiyaan shacabka Soomaaliyeed.”

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Feltham booqashiisa gaarka ah ee uu ku yimid Muqdisho, oo ah tii labaab sanadkan gudihiisa iyo taageerada aan kala go’a leheyn ee QM u fidiso shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey Mr Feltman horumarka Dowladda ee dhanka siyaasadda, amniga, hay’adda cusub ee UNSOM iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayey weerarkii usbuucii hore lagu qaaday xarunta QM ayaa yiri “Qaraxii iyo weerarkii loo geystay xarunta QM 19kii June 2013 waxuu na tusayaa sida ay Al-Shabaab uga go’antahay inay shacabka iyo dadka aan waxgalabsanba u laayaan, hase ahaatee waan ku sii xoogoobeynaa waana ku midoobeynaa inaan sii wadno la dagaalanka kooxaha argagaxisada. Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya ayaa si deg-deg ah oo profeshan ah u soo gurmaday badbaadiyeyna nolol badan. Hase ahaatee waxaan weli u baahannahay kaalmada caalamiga ah si aan dib-ugu dhisno hay’adaha amniga oo aan amnigii iyo kala-danbeyntii dalka ugu soo celino.

       DHAMAAD –

IMG_2640IMG_2616IMG_2499IMG_2481IMG_2535