Kismaayo: Amisom Oo Qaraxii Maanta Ku Eedeysay Raaskambooni & Ka Dib Baaritaan Ay Sameyeen

0

AMISOMKismaayo(AGGM) Kulan maanta dhan ka socday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegey inuu dhexmarey ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo,waxaana ay kulankaasi galabta dhan socday looga hadlayey qarixii maanta ka dhacay magaalada kismaayo.

Ciidamada Siraliyoon iyo kuwa Kiiniya ayaa maanta baaritaano dheeri ah ku Sameeyey walxihii lagu qarxiyey ciidamadooda,waxaana ay sheegeen inay ahayd sanad ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Dawlada Kiiniya,waxaana la sheegey in hubkaasi markii Magaalada kismaayo la galayey sanadkii dhamaaday ay u qaybiyeen ciidamada jabhada Raaskambooni.

Taliska ciidamada Amisom oo maanta meeshii lagu qarxiyey ka aruuriyey haraagii miinooyiinkaasi ayaa shaaca ka qaaday in miinooyiinkaasi ahayeen kuwa Ciidamada Kiiniya lahayeen isla markaasna Jabhada Raaskambooni hadda ka hor loo qaybiyey,waxaana ay sheegeen inay masuuliyadda qaraxaasi qaadayaan Jabhada Raaskambooni.

Saraakishan oo caawa ka hadlay idaacad ku taala Magaalada kismaayo ayaa shaaciyey inay ogadeen meesha miinooyinkaasi ka yimaadeen isla markaasna wadanka soo saaray iyo cidii ka dambeysay,waxaana ay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay miinooyinkaasi ka baxeen gacanta Jabhadda Raaskambooni ama ay iyagu ka dambeeyeen qaraxyadaasi,waxaana saraakisha dawlada kiiniya sheegeen in arrintaasi looga fadhiyo horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni.

Miinooyinkan oo taliska ciidamada Amisom ee dhinaca kiiniya sheegeen inay ciidamada Raaskambooni u qaybiyeen markii dagaaladu ka socdeen duleedka magaalada kismaayo sanadii dhamaaday ayaa la sheegey inay gacanta ku hayeen ciidamada Raaskambooni,waxaana ay shaaciyeen inay soo cadeeyaan meesha ay miinooyiinkaasi ku dambeyeen.

Dhinaca kale saraakisha ayaa sheegey inay tuhunsan yihiin in ciidamada Jabhadda Raaskambooni qaarkood iibsadeen miinooyinkaasi isla markaasna lagu weeraray iyaga waxaana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin in hubkoodii lagu weeraro ciidanna looga dilo,waxaana ay sheegeen inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato inuu hubkaasi gacanteeda ka baxay.

Dhinaca kale waxay ciidamada kiiniya walaac xoogan ka qabaan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ay ku tuhunsan yihiin inay miinooyin kale wali gacantooda ku jirto isla markaasna ay u adeegsan karaan inay qaraxyo ku fuliyaan,waxaana ay taliska Ciidamada Amisom ee Magaalada kismaayo kana kala socda wadamada Siraliyoon iyo Kiiniya sheegeen inay il gaar ah ku eegayaan hawlaha ka socda Magaalada kismayo.

Ugu dambeyntii Jabhadda Raaskambooni intooda badan ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin kooxaha Xagjirka ah ee ka dagaalama gudaha dalka soomaaliya maadama Asalkoodii hore ahaa Alshabaab isla markaasna markii dambe la baxeen magaca Raaskambooni. Ciidamada Kiiniya ayaa lagu wadaa inay shaaciyaan talaabada ay ka qaadi doonaan masuuliyiinta Raaskambooni oo ay sheegeen inay la xisaabtami doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com