Garoonka Kismaayo Oo La Duqeeyey & Xaalada Kismaayo Ee Saaka

0

12Kismaayo(AGGM) Kooxda Alshabaab ayaa la sheegayaa inay xalay dagaal madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasi oo ay gacanta ku hayan ciidamada Amisom ee ka kala socda wadamada Kiiniya iyo Siiraliyoon,waxaana la sheegey inay dhawr madfac ku tuureen halkaasi.

Madaafiicdan ayaa la sheegey in khasaare ka soo gaarey askar ka tirsan kuwa ciidamada Kiiniya,waxaana la sheegayaa in Alshabaab madaafiicda ka soo tuureen meel aan sidaasi uga fogeyn garoonka diyaaradaha Magaalada kismaayo halkaasi oo ay inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kaga soo qadaan garoonka diyaaradaha Magaalada kismayo.

Madaafiicdan garoonka lagu qaaday ayaa imaanaysa xilli dhamaan xubnihii jabhadda Raaskambooni ay ku jiraan garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo maadama shalay xoog inta badan magaalada kismaayo looga saarey,waxaana la sheegayaa inay magan galyo waydiiseen ciidamada Amisom.

Dhinaca kale xaalada Magaalada kismaayo ayaa degan waxaana tartiib tartiib u furmaya goobaha ganacsiga,waxaana la sheegayaa in amaanka magaaladu yahay mid aad u degan inkastoo shalay ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhexeyey ciidamada jabhadda Raaskambooni iyo ciidamo daacad u ah madaxweynaha Maamulka Jubaland Col bare hiiraale.

Shacabka ayaa ka cabsi qabaa in dagaalo kale ka qarxaan mar kale walow aysan taasi muuqan oo shalay lagu kala adkaaday dagaaladii shalay dhacay,waxaana la sheegayaa in waxgaradka magaaladu ku baaqeen in nabadda laga shaqeeyo isla markaasna la joojiyo wax kasta oo dhibaato keeni kara.

Ugu dambeyntii waxaa Magaalada kismaayo saaka ku waaberistey xaalad aad u degan isla markaasna ka wanaagsan tii shalay,balse waxaa la arkaayaa ciidamo badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo taagan isgoysyada magaalada taagan isla markaasna baaritaano ku haya gaadiidka wadooyinkaasi isticmaalaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com