War Deg Deg Ah: Jeneraal Fartaag Oo Magangalyo Waydiistey Ciidamada Amisom Shirna U Socdo & Gadiid Dagaal Oo Laga Qabsaday

0

General-Fartaag-349x215Kismaayo(AGGM) Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil ( Fartaag ) oo ah ku xigeenka Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inuu deg deg ku galay xarunta Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ka dib markii ciidamadiisi la soo jabiyey,waxaana la sheegayaa inuu waydiistey Magan galyo maadama ciidamadiisu ku jabeen dagaalada ka socda magaalada kismaayo.

Jeneraal Fartaag oo ay isku hayb yihiin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire balse la safnaa dhinaca Jabhadda Raaskambooni ayaa cabsi baahsan la soo deristey isagoo ka cabsaday inay dilaan kooxda uu la safan yahay ee Raaskambooni maadama uu dagaalkii maanta kooxdiisu ku jabtey isla markaasna looga qabsaday 3 gaadiidka dagaalka ah iyo tiro ka mid ah ciidamadiisa.

Kulankan ayaa hadda ka socda garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo,waxaana lagu wadaa inuu halkaasi ku sugnaado ilaa inta ciidamada Amisom arrinta kismaayo ka dhacday soo farro gashan doonto,waxaana la sheegayaa inuu maanta codsi u direy Taliska ciidamada Amisom Jeneral fartaag isla markaasna ka codsaday in lagu garabsiiyo dagaalkaas balse ciidamada Amisom ka diideen,waxaan taasi sababtey in Jeneraal fartaag iyo tiro ciidamo ahi iska dhibaan fariisinka ciidamada Amisom ee garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo.

Kulankan oo wali u socda ayaa la sheegayaa in looga arrinsanayo qaabkii loo kala dhex gali ahaa kooxaha ku dagaalmaya magaalada kismaayo isla markaasna maleeshiiyooyinka Raaskambooni ee magaalada laga saaray dib loogu soo celin lahaa inkastoo laga furtey dhawr gaadiid dagaalka ah.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in 7 Mayd ah oo ka tirsan ciidamada Raaskambooni ay yaalaan inta u dhexeysa Xaafada Farjano iyo Degaanka Baranwaa ee magaalada kismaayo halkaasi oo ay amaankeeda gacanta ku hayaan ciidamada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire. Sidoo kale waxaa nolosha lagu hayaa in ka badan 5 askari oo ka tirsan raaskambooni iyo 3 gaadiidka dagaalka ah oo qoryaha shilkaha iyo Dhashiikuhu saaran yihiin.

Ugu dambeyntii Xabadii ayaa joogsatey inkastoo meelaha qaar laga maqlayo rasaas teel teel ah oo aan la ogeyn cidda rideysa balse loo maleynayo inay kooxo ka tirsan Raaskambooni ay ku harsan yihiin meelaha qaarkood,balse waxaa bilowday barakac ay dadka degaanku sameynayaan,waxaana albaabada loo laabay dhamaan meheradii ganacsiga magaalada kismaayo iyadoo dagaalkan shacab badan dhibaato ka soo gaartey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com