War Deg Deg Ah: Dagaal Culus Oo Ka Socda Gudaha Kismaayo

0

breaking-news1Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalada kismaayo ka socda dagaal aad u culus kaasi oo u dhexeya ciidamada raaskambooni iyo kuwa Degaanka,waxaana dagaalkaasi yimid ka dib markii 4 nin oo ka soo jeeda Beesha Sade ay dileen Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay in nimanka la dilay ay ahayeen niman shacab ah oo saarnaa gaari nooca raaxadda ah.

Dilkaasi ka dib  waxa gudaha magaalada ka qarxay dagaal aad u culus kaasi oo u dhexeya ciidamo ka soo dadka degaanka iyo Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in dagaalka hadda socdaa uu sababay geeri aad u badan iyo dhaawac saaid ah,waxaana dagaaladaasi yiihiin kuwo geeska kasta oo magaalada ah ka socda.

Wararka ka soo kordha kala soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com