Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Hambalyo Ku Aadan 26-ka Juun U Diraya Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

0

saacidMuqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliyamudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 53 aad ee ka soo wareegtay 26-ka Juun 1960 u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waa maalin qiimo weyn ku leh qaranimada Soomaaliya, waana malintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed xoriyad ku babado” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad six or ah aayeheeda uga tashata. waxuuna sheegay inay farxad weyn u tahay in sanad guuradii 53aad ee xornimada Soomaaliya barked gaar ahaan gobolada waqooyi ay ku soo beegantay xili uu dhacayo isbdal taariikhi ah ayna dalkana ay ka taliso xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya.

“Waxaa farxad inoo ah inaan markale xusno maalintaan taariikhiga ah anagoo ah dawlad iyo ummad caalamka laga aqoonsan yahay, aana ka gudubnay dagaaladii sokeeye iyo dawladdihii ku-meel-gaarka ahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo tilmaamay inuu si buuxda ula qeybsanayo farxada dabaal-daga maalintaan taariikhiga ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com