Xukumadda Somaliya Oo Ka Qaybgashay Shir Goboleedka Ka Socda Qaahira ( Sawiro)

0

DSC00636Qaahira(AGGM) Wafdi ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya maalintii Labaad Shir goboleedka wadamada Carbeed ee ku saabsan dadka iyo Horumarinta ( Regional Conference on Population and Development in the Arab states) , kaasoo ka soconaya Dusit Thani Hotel ee Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shir goboleedkani oo ay goob joog ka yihiin Wasiiro, diblomaasiyiin,Madaxda qaar ka mid ah hey’adaha qaramada midoobey iyo kuwa gobolka , qeybaha kala gedisan ee bulshada rayidka wadamada carbeed iyo khubaro , ayaa waxaa Wafdiga dowladda Soomaaliya u matalaya  hogaaminaya Safiirka Soomaaliya ee Magaalada Qaahira ahna Ergeyga joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ay ku wehlinayaan Xildhibaano ,Mas’uuliyiin ka kala socda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ,Qorsheynta,Horumarinta Adeegga bulshada iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed , waxaana shirkani uu furmay 24-kii bishan , iyadoo lagu wado in la soo xiro gelinka dambe ee maalinta Arbacada oo ku beegan 26-ka June .

Shir goboleedkani oo looga doodayo caqabadaha diidan in horumar la sameeyo iyo isbadalada tirada dadka ee  ku nool dunida carbeed ee isbadbadalka leh  , ayaa qaar ka mid ah wadamada carbeed lagu daray shirgudoonka wareegga ah ee xilliyeysan , waxaana maanta Soomaaliya ay shirgudoomin doontaa shir goboleedkani muddo saacado ah, iyadoo lagu wado in hadal uu ka  jeediyo madasha Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Nabiil Alcarabi .

Safiirka Soomaaliya ee Magaalada Qaahira ahna Ergeyga joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa waxa uu ka sheegay kulanka in Kooxda Alshabaab ay tahay caqabadda hortaagan in horumar la gaarsiiyo dadka ku nool deegaanada kooban ee ay ka maamulaan dalka , isagoo xusay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa deegaanada miyiga ah,waxaana uu tilmaamay in aqoonyahano Soomaaliyeed oo dalka uu u baahan yahay ay macallimiin ka yihiin Jaamacado ku yaalla wadamada America iyo Europe ,taasina ay qeyb ka tahay caqliga waxgalka ah ee barakacay .

Wasiiro kala matalayay wadamada Ciraaq,Suudaan iyo Falastiin , ayaa waxa ay ku taliyeen in baaq loo jeediyo dadka aqoonyahanada ah ee carbeed ee ka howlgala wadamada reer galbeedka inay dib ugu laabtaan wadamadooda si ay u horumariyaan ,iyadoo xad loo yeelayo dadka maskaxda caqliga ah leh ee u barakacaya wadamo kale  iyo in lala dagaalamo musuq-maasuqa dib u dhigay wadamo badan oo carbeed si ay suuragal u noqoto dib u habeynta qorshaha canshuurta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC00594DSC00604DSC00624DSC00645DSC00612DSC00632DSC00639DSC00642DSC00636