Maamulka Somaliland Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyey Golaha Wasiiradda Iyadoo Qaarna Seeftu Boobtey

0

President_SilanyoHargeysa(AGGM) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Maxweynaha Maamulka  Soomaaliland Axmed Max’ed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu Magacaabay Wasiiro Cusub oo ka mid noqonaya Maamulka  Soomaaliland iyadoo Wasiiradii boosaskaas ka shaqeenayay Xil ka qaadis Lagu sameeyay .

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliland Max’ed Cabdulaahi ayaa ka mid ah Dadka xil ka Qaadista lagu Sameeyay waxaana Booskiisa loo Magacaabay Max’ed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adaha qaramada midoobey oo ka soo Shaqeeyay Waddanka Suudan gaar ahaan Daafur , waxaa sidoo kale Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland Xilkaasna waxaa loo Magacaabay cali Max’ed Ismaaciil , iyadoo sidoo kale Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii Deegaanka Soomaaliland waxaan loo Magacaabay Shukri Xaaji Ismaaciil waxaa kaloo Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirki Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Maamulka Soomaaliland waxaana loo Magacaabay Cali Jaamac Bureed.

Madaxweyne  Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa sheegay in wasiiradaasi isbadal lagu sameeyay markii Xukumada Soomaaliland ay eegtay dalabaad kaga imaanayay Shacabka  sida lagu yiri Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmad Max’ed Siilaanyo.

Ugu dambeyntii wasiirada Shanta Xubnood ka kooban ee Xilka laga Qaaday  ayaa waxa ay la soo shaqeeyeen Xukuumadii hore ee Daahir Riyaale Kaahin. Xukumadda Madaxweynaha Soomaliland mudane SIlaanyo ayaa magacawday xubnahaasi,waxaana xilalka  hayeen  mudadii ay jirtey xukumadda Silanyo.