Maqaal:Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Maantay Gacanta Ugu Jirta Fursad Dahabi Ah Loona Baahan Yahay Iney Ka Faa'iideeystaan.W/Q. Dr.Truman

0

MaqaalShacabka soomaaliyeed waxaay leeyihiin awood dastuuri ah isla maarkaana aan cidna iska indhatiri Karin,loona baahan yahay iney isticmaalaan marka ay u timaaddo baahi dastuuri ah sida “dib u eegista dastuurka” aan dhammeystireyn laguna talo jiro in lagu sameeyo dib u eegis”Review” Sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay iney ka qaataan kaalintooda dastuuriga ah isla markaana ah waajib waddanimo iyo mid diini ah.

Waddanku wuxuu u baahan yahay inuu helo nadaam uu ku shaqeyn karo waana muhiim in la helo nadaam ku yimid wadatashi guud oo ay dadka oo dhan ay ka qeyb qaataan,dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada,waayo “dib u eegista lagu sameynayo dastuurka” waa arrin qaran waayo dastuurku waa sharci aasaasi ah islamarkaana ay ka sameysmayaan dhammaan sharuucda kale ee dalka laga hir gelinayo waana sharciigii lagu hagayey waddanka.

Sidaa awgeed waxaan aaminsanahay in la gaaray waqtigii la is weydiin lahaa soomaaliya xal ma u yahay nadaamka federalka ah,dadka soomaaliyeed diyaar ma u yihiin iney ku dhaqmaan nadaam federal ah,haddiise si toos ah la qaato nadaamka federalka ah meeqa sano ayuu ku qaadan karaa in soomaaliya laga hirgeliyo,su’aasha kale ee muhiimka ah waxay tahay soomaaliya “baahi miyey u qabtaa iney ku dhaqanto nadaamka federalka ah”.

Dhammaan su’aalahaas oo dhan waxaay daah fur u yihiin in uusan soomaaliya sinaba uga dhaqan geli Karin “nadaam federal ah”sidaa awgeed waa in shacabka soomaaliyeed qeyb weyn ka qataan arrimaha ku saabsan federalka lana is weydiiyaa muddo ka badan 22 sano dhibaatadii lagu soo jirey ma waxaa la doonayaa in laga baxo mase in lagu sii jiro.

Federalku xal uma ahan soomaaliya waana mid sii kala fogeynaya ummadda soomaaliyeed,waa mid wiiqaya midnimadii soomaaliyeed, waa mid keeni doona dagaalo sokeeye iyo colaado iyo is necbaan hor leh waayo marka dadka dhulka loo kala qoqobo waxaa imaaneysaa dhul boob iyo dagaal,waayo dhulka soomaaliya waa kala dabeecad duwan yahay sida dhul beero leey ah, dhul xoolaha ku wanaagsan, dhinaca qeyraadka badda,waxyaabahaas oo dhan waxaay keeneysaa in loo tartamo.

Fekerka soomaalida ee ku saabsan federalka waa mid ku jaheysan qabyaalad cad taasoo micnaheedu yahay in qabiil walba sameysto maamul qabiil ama dowlad qabiil.

Nadaamka federalka ah waa nadaam ka mid ah nadaamyada adduunka looga dhaqmo, laakiin dowladaha ku dhaqma aad bay u yar yihiin,tusaale Yurub dowladaha federalka ah waxaa waaye Jarmalka iyo Switzerland,kama jiro waddan kale oo ah federal,dad baa ku qaldama in Spain ay tahay federal,laakiin Spain ma ahan federal waa Boqortooyo”kingdom of Spain” Sidaa awgeed adduunka waxaa halgan dheer loogu soo jirey looguna jiraa weli ”Democracy,xornimo,caddaalad, sinnaan iwm” laakiin federalismka in shacabka soomaaliyeed looga dhigo inuu federalku yahay mid dhibaatada looga baxayo guulna lagu gaarayo.

Waxaay aheyd in dadka lagu wacdi geliyo nadaamka democradiyadda kuna dhisan axsaabta badan, in dadka lagu wacdi geliyo wada noolashaha, in dadka laga dhaadhiciyo iney yihiin dad wada dhashay kalana maarmin si kastaba, isku af ah,isku dhaqan ah iyo isku diin ah. Sidaa awgeed waxaa shacabka la gudboon iney meel saaraan nadaamkaan federalka ah ee daqaadda laga soo tuurey iyadoo aan shacabka soomaaliyeed waxba laga weydiin, ma ahan xaq in koox yar oo ah “Tinny Minority” ah in lagu qasbo wax aan dadweynaha soomaaliyeed wadatashi ku yeelan waayo waddanku waa Democracy, mana ahan in xagga fekerka minority uu hoggaamiyo majority,majority ayaa hoggaamiya minority iyadoo la dhawrayo xaquuqda dastuuriga ah ee minority.

Shacabka soomaaliyeed waa in laga qeyb geliyaa wadatashiga dib u eegidda dastuurka weliba arrimaha ku saabsan federalka ah waana arrin dastuuri ah,waayo wuxuu saameyn ku yeelanayaa mustaqbalkaba waddanka,in la helo nadaam dadka oo dhan ay ku wada qanacsan yihiin,gaar ahaan intooda badan”Majority-gooda”.

Haddii aan taas la sameyn dhibaatada waddanka ma ahan mid xal laga gaarayo. Dastuurku ma ahan mid aan wax laga bedeli Karin waayo dastuurku waa wax nool mar walbana waxaa lagu sameyn karaa isbedel”Amendment” laakiiin leh hab gaar ah oo loo maro”Especial Procedure”.

In la helo nadaam loo wada dhan yahay,kaas baa xal u noqonaya soomaaliya iney ka baxdo dullinimada, ma ahan meel aan xal ka jirin in xal laga raadiyo,soomaaliya waxaay u baahan tahay “Descentralised Democracy”mana ahan sida loo micneeyey taas.

Waayo dad yar oo leh dano gaar ah una adeegga dadyow kale ayaa waxaay geed dheer iyo mid gaaban u fuulen in soomaaliya xalkeedu yahay iney qaadato nadaamka federal ka ah.

Wadamada waa weyn European ka ah isla markaana ay jirto dowlado dhexe oo xoog badan ahna unitary isla markaana ah democracy sida Fransiiska oo ah semi-presidential, Talyaaniguna Unitary State ahna parliamentary rigime sida soomaaliya oo kale etc marka in soomaaliya dahab looga dhigo federal waa arrin ujeedo gaar ah leh waxaayna aheyd wax lagu soo talo galay laakiin maantay shacabka soomaaliyeed waxaa gacanta ugu jira fursad “Dahabi ah” haddii ay ka faa’iideysan waayaan waa mid noqon doonta nasiib darro weyn iyo in jiritaanka soomaalinimadu ay gasho qatarweyn noqonna doonta mid aan weligeed laga soo kaban dooneyn.

Ma ahan in la qaato afkaarta guracan ee la isku gahardaameynayo loona soo dhiibay wax magaratada iyo dadka ah adeegayaasha dadyowga kale. Waa in dadweynaha soomaaliyeed afti looga qaada nadaamka federalka ah ku dhaqan kiisa.

W/Q. Dahir Nur Jama (Dr Truman)
Jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com