Dad Gaaraya 100 Qof Oo Lagu Soo Qabtay Howlgal Ka Dhacay Magaalada Beledweyne.

0

Baladweyne2Baladweyne (AGGM): Howlgal lagu soo qabqabtay ku dhowaad 100 ruux ayaa saaka waaberigii laga sameeyay hoteellada waa-weyn ee magaalada Beledweyne.

Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan Kornayl Tawane Axmed oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay ammaanka gobolka.

Kornayl Tawane ayaa sheegay in la sii daayay qaar ka mid ah dadkii saaka lagu soo qabtay howgalka kaddib markii lagu waayay wax dambi ah oo la xiriira inay ku lug leeyihiin falal amniga lid ku ah, halka qaar kalena wali ay baaqi ku yihiin saldhigga weyn ee magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda qabanqaabada u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo Jabuuti.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmil.com