Baarlamaanka Oo Dhaqaale Ugu Deeqay Agoon Ay Ka Dhinteen Askar Boolis Ahi (Sawiro)

0

DSC01919Muqdisho(AGGM) Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu kasoo jawaabay u yeerista Xildhibaannada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey saraakiisha Ciidammada Booliiska ah sida ay ugasoo jawaabeen u yeerista Mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo talaabadanna ay muujineyso sida ay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna Booliiska tixgelin u siinayaan la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saacid oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in mar walba Saraakiisha Ciidammada Booliisku diyaar u yihiin iney ka jawaabaan awaamiirta Baarlamaanka.

Intaasi kadib kulanka ayaa noqday mid ay albaabada u xiranyihiin ayadoo saxaafadanna dibad joog ay ka aheyd waxaana ay si hoose uga wada hadleen Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed sida ay uga wada shaqeyn karaan sugidda ammaanka Dalka iyo sida loo sixi lahaa dhaliilaha jira waxaana markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in kulankii maanta ay si calool fiyoobi ah uga wada hadleen saraakiisha Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sugidda ammaanka Dalka iyo wada shaqeynta dhanka amniga ah islamarkaana kulanka lagu go’aamiyey in wada shaqeyn joogta ah ay Xildhibaannada iyo Booliiska ka yeesheen adkeynta amniga.

“kulankan waxa uu ahaa mid muhiim ah runtii ka sokoow go’aaminta wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Booliiska ammaanka waxaa kale oo ay Mudaneyaasha Baarlamaanku go’aamiyeen in lacag dhan 30,000$ (Soddon kun oo dollar) oo ay mushaarkooda ka jarayaan bishaan ay ugu deeqeen carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askartii Booliiska ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda, waxaan rajeynayaa iney wadashaqeyntaan ay sii ballaaran doonto oo ay wada shaqeyn doonaan gudiyo labada dhinac ah”ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saacid oo isaguna ka hadlay shirkajaraa’id ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay ugu damqadeen carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askarta Booliiska waxaana uu talaabadan ku tilmaamay iney dhiiragelin u noqon doonto Ciidammada Booliiska ah ee hada shaqeynaya, sidoo kalena waxa uu taliyuhu ballan qaaday in wadashaqeynta Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay noqon doonto mid joogto ah.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan maadaama ay si hoose sugidda ammaanka Dalka uga wada hadleen Taliska Booliiska saraakiisha ugu sareysa iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ah ee Soomaaliya waana kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay si wadajir ah xarunta Golaha Shacabka ugu yeeshaan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC01891DSC01892DSC01899DSC01901DSC01906DSC01919DSC01907