Alshabaab Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dagaalamaan Gobolka Bakool

0

Colaadan ka taagan magaalada Xudur ee gobokla Bakool ayaa u dhaxeysa Maleeshiyaad kala taabacsan  horjoogayaasha Axmed Cabdi  Godane iyo Muqtaar Rooboow Abuur Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay sidoo kale dagaallo ay ku dhexmareen magaalada Baraawe ee gobolkaa Shabeellada Hoose.

Magaalada Xudur ayaa lagu soo warramayaa in ay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyaadka Axmed Cabdi Awgodane, kuwaasi oo wada abaabul dagaal oo ay ku doonayaan in ay uga hortagaan maleeshiyaadka Muqtaar Rooboow oo iyagana ku sugna deegaan dhowr kilo mitir  u jira magaalada Xudur..

Mid ka mid ah dadka deegaanka, oo warbaahinta Qaranka Taleefanka kula hadlay ayaa tilmaamay in xiisadda ay sii kordheyso, isla markaana laga cabsi qabo in saacadaha soo socda halkaasi ay ku dagaalamaan maleeshiyaadka iska soo jorjeedda.

Dhinaca kale waxa uu xusay in  colaadda u dhaxeeysa maleeshiyaadka  Labada hojooge ee Al-Shabaab  ay si weyn u saameeysey dadka deegaanka, iyadoo ay jiraan dad halkaasi horey uga barakacay.

Xiisadda Xudur ka soo cusboonaatay ee u dhaxeysa Axmed Godane iyo Muqtaar Roobow, ayaa salka ku heysa Ajaaniba Shabaab ka tirsan  oo labada dhinac u kala safan, iyadoo ay horey isaga dileen rag Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, waxaana sidoo kale Axmed Godane oo gacanta ku dhigay horjoogayaal uu ka mid yahay Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad “Ibraahim Afqaan oo aan la ogeyn halka la geeyey isaga iyo rag kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com