Magaalada Baraawe Oo Sansaan Colaadeed Laga Dareemayo.

0

SHABABBaraawe (AGGM): Magaalada Baraawe ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed ka dib kolkii magaalada lagu arkay dhhinacyadii dhawaanta dagaalamay oo weli ku hawlan is abaabul colaadeed.

Baraawe ayaa waxa ay dadka halkaasi ku nool soo tebiyeen in dhawaan uu dagaal ku dhexmaray dhinacyo Shababaka ka wada tirsan oo kal taageera Hogaamiyaha Ururkaasi Amed Godane iyo Afhayeenkii hore ee uruakaasi Mukhtaar Roboow.

Shababaka ayaa dafiray gebi ahaan in ururku dhexdiisa ka dagaalamay isla markaana uu ku mideysan yahay waxa ay ugu yeeraan Jihaadka.

Baraawe ayaa ah mid ka mida degaanada gebi ahaanba gacanta Shabaabka lu jirta isla markaana taageerada siiyay dagaal yahanadooda.

Khasaarhii ka dhashay isku dhaca dhinacyada Shabaabka ku dhexmaray magaalada Baraawe dhawaanta waxaase muuqda diyaar garow colaadeed oo labada dhan ay haatan halkaa ka wadaan.

Ilaa iyo haatan ma cada baaxada khilaafka Shabaabka ka dhex aloosan ee mudada la shaacinayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com