Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xildhibaanada Uga Digay Arrin Ay Caado Ka Dhigteen.

0

jawaariMuqdisho (AGGM); Muddoomiyaha golaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo Sabtida maanta ka hadlaayay kulan uu lahaa baarlamaanka ayaa digniin u diray mudanayaasha baarlamaanka.

Mudane Jawaari ayaa uga digay xildhibaannada Soomaaliya inay eedeeyaan mas’uuliyiin iyo dad kale, iyagoo caddeyn u haynin eedeymaha ay jeedinayaan.

Wuxuu sheegay in ay jiraan xildhibaanno caadeestay in ay dhaliilo iyo eedeen u jeediyaan madaxda dowladda ama dadka xilalka haya.

Wuxuu guddoomiyaha baarlamaanka hoosta ka xariiqay in xildhibaankii eedeyn u geysta mas’uul dowladeed ama shakhsi uusan ku caddeyn karin waxa uu ku sheegay laga qaadayo xasaanadda, isla markaana dacwad lagu soo oogi doono.

Ugu dambeen Mudane Jawaari ayaa sheegay in xasaanadda xildhibaannada ay leedahay xad, qofkii ka gudbana sharciga lagu qaadi doono.

Si kastaba, tallaabadan uu ku dhawaaqay maanta guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa timid markii ay soo bateen xildhibaanno eedeen u jeedinaya masuuliyiinta dowladda.

Qaar ka mid ah xildhibaannadan ayaa dhowr jeer ku celiyay in xilka ka degaan madaxda dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay guddan waayeen waajibaadkii loo idmay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com