Ciidamada Booliska Oo Saakay Hoowlgalo Ka Wada Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

0

Boolis1Muqdisho (AGGM): Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay qorshe ay kaga hortagayaan Falalka amaan darida ah ee soo noq noqday ee Caasimada Soomaaaliya kuwaas oo lagu waxyeeleeyo Umadda Soomaaliyeed.

Booliis fara badan ayaa lagu daadiyay Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale Booliiska bilaabeen in ay baaritaano ka sameeyaan Wadada Maka AlMukarama iyo wadada Wadanaha ee Magalaada Muqdisho.

Ciidamada ayaa bara Kontorool ka sameeyay Wadadaa waxaana ay baaritaano ku samaynayaan gaadidka wadaadaa isticmaala iyo dadka saaran waxa Booliiska sheegeen in Howlgalkan uu yahay mid amaanka lagu xoojinayo.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Weerar Ismiidaaminta ahaa ee Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho lagu qaaday waxaa aad loo adkeeyay amaniga Caasimada Soomaaliya waxana sare loo qaaday Howlgalada Ciidamada wadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com