Ra’iisal Wasaaraha Oo U Tacsiyay Qoyskii Iyo Eheladii Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Inaa Lilaalhi wa inaaa Ilaahi raajicuun, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya asagoo uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Maxamed Faarah Jimcaale oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho

.
“Inaa Lilaahi wa inaa Illaahi Raajicuun, waxaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan Xildhibaanda Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya. Waxaa uu maanta ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalda Muqdisho saacado kooban kadib markii halkaas loo keenay xanuud kusoo boodo ah oo dhanka caafimaadkiisa la xariira.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Xafiiska Warbaahinka 
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com