Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Xildhibaan Maxamed Faarax.

0

Prof-Jawaari(1)Muqdisho (AGGM):Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAALIHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan rabaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Allaha u naxariistee Walaalkeen Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, runtii waa geeri naxdin leh”

“Waxa uu ahaa Xildhibaanka geeriyooday xildhibaannada ugu fir fircoon ee Baarlamaanka waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, si gaar ah anigoo ku hadla magaca Golaha Shacabka waxaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Maxamed Faarax Jimcaale” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday fiidnimadii hore ee Xalay Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo xildhibaankana uu u geeriyooday xanuun si deg deg ah ulasoo dersay.

—DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com