Dowladda Farasiiska Oo Sheegtay In Ay La Dagaalami Doonto Falaagada Al Shabaab.

0

french_flagDowladda Faransiiska ayaa maanta ka hadashay Qaraxii ka dhacay laba maalin ka hor Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Xarunta Hay,adda UNDP waxana qoraal ay soo saartay Dowlada Faransiiska loogu tacsiyadeeyay dadkii qaraxaa ku dhintay eheladii ka baxeen iyo umadda Soomaaliyeed.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay Xafiiska amuuraha Dibadda Dalka Faransiiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xukuumada faransiiska ka go,antahay in ay is bar bar istaagto Dowlada Soomaaliya si loola dagaalamo Kooxda Alshabaab.

Faransiiska waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in kooxahaa laga saaro soomaaliya hadaana laga saarina waxa ay tilmaameen in Soomaaliya aysan dagi doonin hayeeshee Dowlada faransiiska ayaa qoraalkooda ku balan qaaday in dowlada Soomaaliya ka caawin doonaan tababarka ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Xukuumada Paris ayaa sheegtay in ay jiraan Kooxa Alqaacida ah oo ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya kuwaas oo ka soo socdaala dalalka Bakistaan iyo afgaanistaan ayaa qoraalkaa lagu yiri.

Laba Maalin ka hor ayay ahayd markii Kooxda Alshabaab qarax ay sheegatay lagu weeraray Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho waxana qaraxaa ku waxyeeloobay dad rayid ah iyo Shaqaalo ka tirsan UNDP.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com