Ciidamada Maamulka Ahlusuna Oo Maleeshiyo Ku Xir Xiray Galgaduud.

0

AhluSUNA12Caabudwaaq (AGGM): Ciidamada Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalka Galgaduud ayaa xabsiga dhigay Kooxa Burcad ah oo jid gooyo dhigtay inta u dhaxaysa Matabaan iyo guraceel halkaa uu ka arimiyo Uruurka Ahlusuna Waljamaaca.

Howlgalo shalay galinkii danbe ilaa xalay socday ayaa lagu soo qab qabtay sida uu sheegay Sargaal ka tirsan ciidamada Maamulka ee howlgalka halkaa ka fuliyay.

Kooxahaan Burcada ah iyo hubkoodo ayaa gacanta u soo galay ciidamada amaanka Gobalka inkastoo is risaasayn waqti Kooban ah ay dhaxmartay labada Dhinac.

Sarkaalka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka danbeeyay kadib markii Cabashooyin ka soo gaareen dadka isticmaala Wadadaa ee u kala Goosha Gobalka Galgaduud iyo hiiraan waxa uuna sheegay in ragaan ay yihiin Kooxa Tuugo ah.

Maamulka Ahkusuna ayaa hore u sheegay in dgaaal ku hayaan Kooxa amaan daro gobalka ka wada waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay Howlgalo hore Gobalkaa uga fuliyeen Maamulka Ahlusuna waljamaaca oo kooxa Tuugo ah ku soo qab qabtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com