Ciidamada Ku Sugan Baay, Bakool Iyo Gedo Oo Mushaar La Siinayo.

0

jasiiro xarunta ciidanka xooga 2Baydhabo (AGGM): Taliyaha qeybta lixdanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo jeneraal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in ay dhowaan ciidamada xoogga dalka ee gobolladaas ku sugan heli doonaan mushaaraadkooda.

Taliyaha oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaaan dedaallo loogu sameyn lahaa dib u habeyn ciidamada xoogga ee ka howlgala gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in ammaanka gobollada ay wax badan ka beddeleen, sidoo kalena ay suurageliyeen in ciidamada ay ku sugnaadaan goobaha loo cayimay.

Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa qiray in safarradiisa gobolladan uu hadda u adeegsado dhinaca dhulka, taas oo uu sheegay in ay muujineyso sida ay wax badan uga beddeleen ammaanka goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com