Warsaxafadeed: Shirkii Golaha Wasiiradda Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Safiiro Cusub

0

SAACIDMuqdisho(AGGM) Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa,uuna shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa meelmariyey magcaabista 5 safiir oo cusub.

Raiisul Wasaaraha ayaa magcaabista safiirada ku tilmaamay in ay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.

“Tallaabadan waxa ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka diblamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dardargelinta shaqada ergada diblamaasiyadeed ee Soomaaliya u joogta dalalka caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Safiirada la ansixiyey magacaabitaankooda waxay kala yihiin: Gen. Muuse Xasan Cabdulle, daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Axmed Cabdisalaam Aadan, danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Cali Saciid Faqi Danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgaum iyo Midowga Yurub. Nuur Faarah Xirsi, danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia, iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horey u ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday ammaanka dalka,waxana warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyadoo Wasiirku uu sharraxaad ka bixiyey weerarkii argagaxisanimo ee shalay lagu qaaday dhismihii hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho. Goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas argagixiso.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday kor-u-qaadista heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyey kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aadan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah qaranka Soomaaliya. Wuxuu goluhu garawsaday in loo baahan yahay in kor loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray in ay khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.

Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya dhowaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhowaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya si uu u meelmariyo. Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah in ay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhimo lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajiba.

                                                            DHAMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com