War Deg Deg Ah: Dhaawacii Jabhadda Raaskambooni Oo Saaka Loo Daabulay Dhinaca Puntland

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Saaka waxaa magaalada Kismaayo timid diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo ka soo kicintintey dhinaca puntland,waxaana diyaaradaasi saaka lagu qaaday in ka badan 40 dhaawac ah oo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo waxyeelo culus ka soo gaartey dagaalo iyo iska hor imaadyo maalmihi la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Dhaawacan ayaa maanta qaarkood loo duuliyey Magaalooyinka Galkacayo Iyo Garoowe halkaasi oo lagu soo dabiibi doono,waxaana la sheegaya in dhaqaatiirtka isbitaalada garoowe iyo galkacayo ay ku jiraan heegankii ugu sareereyey oo ay ku daawaynayaan dhaawacyada dagaaladii kismaayo ku waxyeeloobay.

Dhamaan dhaawacan ayaa ah kooxda Jabhadda Raaskambooni kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaaladii ay dhawaan la galeen Iftiin Xasan Baasto,waxaana dhaawacaas la sheegayaa in intooda badan xabado culus kaga yaalaan meelo halis ah oo ay ka mid yihiin Madaxda iyo Luguhu,waxaana lagu wadaa in lagu daaweyo Magaalooyinka Puntland.

Dhinaca kale asbuucii la soo dhaafay waxaa jirey dhaawacyo badan oo loo qaaday dhinaca kiinyia gaar ahaan magaalada Wajeer oo halkaasi lagu soo daaweynayo kuwaasi oo xaaladoodu aad u liidatey isla markaasna kaliftey in loo qaado wadan kale,waxaana dhaawacaasi maalmo ka hor loo qaaday gudaha kiiniya tiradooda lagu sheegey 45.

Dagaaladii kismaayo waxaa khasaaraha ugu badani ka soo gaarayaa kooxda Raaskambooni oo aan haysan meel lagu daaweyo dhaawacooda,waxaana khasab ah in dhaawaca ka dhaawacma ay geeyaan Isbitaal yar noo ciidamada kiiniya ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha.waxaana taasi ku cadeyneysaan inaysan maleeshiyooyinkan aysan ehelo u joogin kismaayo.

Si kastey ahaataba dhaawacan maanta ayaa qayb ka ah durbaanka Faroole u tumayo Axmed Madoobe waxaana durbaankaasi noqday marba mid isa soo xiraya maadama Faroole uu waxba la qaban kari waayey horjoogaha raaskambooni. Dhinaca kale Horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni waxay dhaawacan loo qaaday degaanada Puntland ku tilmaameen kuwo shacab ah balse waxaa xaqiiqo ah inaan hal ruux oo shacab ahi ku jirin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com