Ra’iisul Wasaaraha oo Guddi Heer Qaran u Magacaabay Xuska Munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da luuliyo

0

golo-wasiro_2Muqdisho(AGGM) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa wareegto uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa ku magcaabay guddi heer qaran oo loo xirsaaray qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu guddigan magcaabay isagoo tixgelinaya mudnaanta ay leedahay sannad-guurada 53aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay ka xoroobeen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sannadkii 1960kii.

Guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummada Soomaaliyeed ayaa ka kooban sided (8) xubnood oo kala ah:-

1.Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye
2.Cabdixakiim Maxamuud Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga…… Gud-ku-xigeen
3.Xasan Maxamed Jimccaale, Wasiir ku-xigeenka Garsoorka, Xubin
4.Cabdi Shakuur Cali Mire, Wasiir ku-xgeenka Warfaafinta, Xubin
5.Maxamuud Macalim Yaxye, Wasiir ku-xigeenka W.Horumarinta adeegga, Xubin
6.Maxamuud Axmed Nur, Duqa magaalada Muqdisho, Xubin
7.Maxamuud Xirsi Cabdlle, Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/W, Xubin
8.Cali Cabdi Wardheere, Xafiiska Arrimaha Bulshada ee R/W, Xubin

Guddigan heerka qaran ee uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska munaasabadaha maalmaha xorriyadda Soomaaliya, ayaa shaqadiisu tahay in uu qaban qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska ciidahaasi qaran iyo in ay ka hawl-galaan sugidda amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadaha xorriyadda ee dalka Soomaaliya.

                                                 DHAMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com