Mareynkanka Oo Cambaareeyey Weerarkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0

31988usflag_medLondon(AGGM) Dowladda Mareykanka ayaa si Kulul u cambaareysay weerarkii naftii halignimada ahaa ee shalay lala beegsaday xarunta Hayadda U.N.D.P. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa lagu muujiyay sida uuu madaxweyne Obama uga xunyahay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Hey’adda U.N.D.P.,  wuxuuna Obama u tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay ciidamada dowladda sida farsameysan oo ay uga hortageen weeerarkii shalay lagu qaaday xarunta Hey’adda UNDP.

Mudane ka tirsan Congreeska Mareykanka oo lagu magacaabo Kith Elesin ayaa ku baaqay in la soo gebageeyo argagixisada, isagoo hoosta ka xariiqay in cunaqabateynta laga qaado dowlada Soomaaliya ay fududeyndoonto sidii Soomaaliya looga tirtiri lahaa argagixisada.

Dhanka kale mudanaha ayaa ku amaanay ciidamada dowlada sida ay uga hortageen weerarkii argagixiso ee shalay, isagoo tilmaamay in ciidamada dowladu u qalmaan in la qalabeeyo.

Weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xafiiska Hey’adda UNDP ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay mas’uuliyiinta dowlada, Mudowga Afrika, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com