Madaxweynaha Oo Soo Afmeerey Shirweynihii Tayeynta Waxbarashada (Sawiro)

0

IMG_0679Muqdisho(AGGM) Shirweynihii heerka qaran ee looga hadlayay tayeeynta waxbarashada dalka ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagebeeytay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho,iyadoo uu soo xiray Shirkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane.Xasan Shiikh Maxamuud.

Xeritaanka Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,Wakiillo ka socday ha’yadaha waxbarashada dalka,Aqoonyahanno,qurbajoog iyo marti sharaf kale.

Ka qeybgaleyaasha Shirweynahaa qaran ee tayeeynta waxbarashada dalka ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayay horumarinta iyo tayeenta waxbarashada dalkena soomaaliya, ayaa si wadajir ah isugu raacay  Qodobbo  muhiim ah oo ay soo jeediyeen ilaa shan guddi oo ay sameysteen Ergada Shirka  waxaana ugu muhiimsan in la sameeyo jaamacaddii Ummadda soomaaliyeed iyo in waxbarasho bilaash ah oo ilaa dugsiga sare ah ay helaan muwaadiniinta soomaaliyeed ,lana helo manhaj qaran oo mideysan sida uu sheegay Maxamed Diini oo kamid ah Aqonyahannadii lagu casuumay shirka.

Sidoo kale wasiirka horumarinta iyo adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo ka hadashay munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ayaa xustay in Guddi ay u xil saareyso Wasaaraddeeda dabagalka iyo dhaqan gelinta  warmurtiyeedkii ay soo saareen  Ergada ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ee tayeeynta waxbarashada dalkeena ayaa uga mahadceliyay ergada shirka doorka ay ka qaateen in la tayeeyo waxbarashada dalka si ay mustaqbal wanaagsan u helaan caruurta iyo dhallinyarada soomalaiyeed waxa uuna madaxweynuhu ka codsaday qeybaha bulshada inay gacan ka geystaan sidii ay xarumaha waxbarashada ugu dhisan lahaayeen si iskaa wax u qabso ah madaama tacliintu tahay waxa kaliya ee lagu horumarin karo dalka iyo dadka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Oo khudbaddiisa ku soo hadal qaaday weerarkii shalay ay Al-shabab ka geysteen Xarunta UNDP ayaa tilmaamay in fariinta ay direysay  kooxda shabaab ay tahay  inay hay’adaha Q.M qalqal geliyaan si aysan uga shaqeynin gudaha  Soomaaliya hase yeeshee ay Madaxda UN-ka u xaqiijiyeen Dowladda in aysan weerarkaasi saameeyn doonin howlaha ay u joogaan Dalka soomaaliya.

Shirweynahan Heerka qaran ee looga hadlayay dib u qaabeynta waxbarashada dalka ayaa ahaa mid ku yimid fikirka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada oo ay fududeynayeen xafiisyada UNESCO iyo UNICE kuwaasoo qaramada midoobay u qaabsan arrimaha waxbarashada iyo daryeelka caruurta waxaana lagu casuumay shirkaan in ka badan 200 qof oo ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka kuwaasoo si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin  warmurtiyeedkii kasoo baxay shirweynaha.

DSC03876DSC03893DSC03892IMG_0505IMG_0557IMG_0679IMG_0733