Iska Hor Imaad Maanta Kismaayo Ku Dhexmaray Maleeshiyo Ka Wada Tirsan Raaskambooni

0

SOMALIA MILITIAKismaayo(AGGM) Maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay iska horimaad mudo kooban socday oo dhexmarey ciidamo ka wada tirsan jabhadda Raaskamoobi,waxaana iska hor imaadkaasi sababay sida la sheegay khasaare kooban oo soo kala gaarey labada dhinac ee iska hor imaadku dhexmaray.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay wado isku xirta Magaalada Kismaayo iyo Garoonka diyaaradaha,waxaana uu la sheegey in labada ciidan oo lug ahaa kala shakiyeen,waxaana la sheegey in muddo kooban iska hor imaad ku dhexmareyey halkaasi,waxaana la xaqiijinaya dhaawaca 3 askari iyoo laba kalena dhinteen.

Iska shakigan ayaa lagu tilmaamaya iyadoo kismaayo ay ku wada sugan yihiin boqolaal Maleeshiyaad ah oo kala duwan isla markaasna kala tageera niman sheegta inay yihiin madaxweyneyaasha Jubbaland,mana jiraan dhar u gaar ah oo lagu kala gartaa,waxaana la sheegayaa in in badan ciidamo isku dhinac ahi isku dhacaan marka ay kala shakiyaan.

Muddo kooban markii xabadu socotey ayaa la sheegey in labada dhinac la soo kala dhexgalay,waxaana la sheegaya inay markii dambe oo khasaaruhu dhashay is garteen inay isku dhinac ahayeen,Mana jiraan cid ka tirsan Maamulka Jabhada Raaskamabooni oo iska hori imaadkaasi ka hadlay.

Dhinaca kale waxaa talaabadan ku soo aadeysaa xilli Magaalada kismaayo ay ka jiraan xiisado dagaal oo u dhexeya Jabhadda Raaskambooni iyo kooxo kale oo badan,waxaana magaalada u kala xiran tahay xaafad xaafad oo qolo kastaa ay ka sameystey difaacyo culus.

Ugu dambeyntii intii ka dambeysay dhaawacii loo geystey mid ka mid ah horjoogayaasha Jabhadda Raaskambooni waxaa magaalada kismaayo laga dareemaya kala shaki iyo hub aruursi,waxaana dhinacyadda isku haya kismaayo Idaacadaha magaalada kismaayo isu mariyaan Hanjabaado culus,lama sadaalij karro meesha ay cago dhigan doonto xaalada Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com