Horjoogaha Raaskambooni Oo Farro Marnaan Ku Soo Laabtay & Booqdayna Dhaawaca Raadeer ( Sawiro)

0

17921Kismaayo(AGGM) Horjoogaha Raaskambooni ayaa magaalada Nairobi shalay galinkii dambe ku soo laabtey ka dib markii dalxiis isaga u gaar ah  ku tagay Magaalada Addis Abab isagoo markii hore saxafada ugu sheekeyey in dawlada Itoobiya ay ay casuuntey,waxaana dawlada itoobiya hadalkaasi beenisay isla markaasna shaaciysay inaysan casuumin.

Sidii warbaahinta Allgalgaduud idiin sheegtey Magaalada Addis Ababa waxaa ku soo dhaweeyey kooxo ka soo jeeda soomaalida Kilinka 5 aad oo xitaa uusan ku jirin hal masuul oo ka tirsan maamulka dawlada degaanka soomaalida oo hore dawlada itoobiya digniin ugu jeedisay,waxaana sidoo kale lagu wargeliyey inuusan u gudbi karin gudaha degaanka ismaamulka soomaalida lana kulmi karin madaxda dawlad degaanka soomaalida.

Sidii Allgalgaduud idiin soo tabisay Horjooge Axmed Madoobe waxaa uu degaana Xaafada Soomaalidu ku dhaqan tahay ee Boli Makeyl halkaasi aysan degin madaxda dawlada itoobiya macsuunto,waxaana dawladu itoobiya wasaarada arrimaha guduhu shaacisay inaysan ka war hayn kooxda Madoobe oo isugu jirta Aqoon yahano iyo qalin shubato kale.

Dhinaca kale waxaa uu Magaalada Nairobi u yimi shalay inuu booqdo dhaawaca Yaasiin Radeer oo kooxdiisa raaskambooni Isha Xabad kaga dhufteen ka dib markii uu inuudamcay qaado Isbaaro u taalay gudaha magaalada Kismaayo balse ay abaal marin uga dhigeen hal xabo oo ay madaxa kaga dhufteen balse uu dhaawac culus ka soo gaarey isha hoosteeda iyadoo lagu daawaynayo magaalada Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa ku booqday Isbitaalka uu ku jiro Col Yaasiin Radeer waxaana uu sheegey inuu ka xun yahay dhibaatada soo gaartey,waxaana uu sheegey inuu dhawaan talaabo adag ka qaadi dooni cidii ka dambeysay weerarkaasi,waxaana uu sheegey inuu soo qaban doono.

Si kastey ahaataba waxaa horjoogaha Raaskambooni jabkan ka soo gaarey Magaalada Addis Ababa noqonaya mid ka mid ah guul darooyinkii maalmihi la soo dhaafay ka soo gaarey wadamada Deriska ah oo iyagu sheegey inay tageersan yihiin dawlada federaalka ah  ee soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

yaasiin-1-13yaasiin-11yaasin1yasiin1yaasin1